Wayne Rooney Oo Magacaabay Labada Saxiix Ee Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Halyeeyga Manchester United, Wayne Rooney, ayaa magacaabay labada saxiix ee ugu wanaagsan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Suuqa kala iibsiga jiilaalka ayaa xirmay habeenkii Isniinta, waxaana ciyaartoy badan ay ku biireen kooxo kala duwan.

Sidoo kale, suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa la soo gabagabeeyay sanadkii hore, waxaana markaasna jiray ciyaartoy badan oo u wareegay kooxo kale.

Si kastaba ha ahaatee, isagoo ka hadlayay barnaamijka The Wayne Rooney Show, Rooney wuxuu ku adkeystay in Hugo Ekitike iyo Granit Xhaka ay yihiin labada saxiix ee ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkan.

Xusuusnow in Ekitike uu Liverpool kaga soo biiray Frankfurt suuqa kala iibsiga xagaaga ee la soo dhaafay, halka Xhaka uu Sunderland kaga soo biiray Bayer Leverkusen.

“Ekitike iyo [Granit] Xhaka ee Sunderland ayaa u badan inay yihiin labada saxiix ee ugu fiican Premier League. Runtii aad ayaan ugu raaxeystaa daawashada qaabka uu Ekitike u ciyaaro,” ayuu yiri Rooney.

Labada ciyaaryahan ee Ekitike iyo Xhaka labaduba waxay ilaa hadda xilli ciyaareedkan bandhig wanaagsan u sameeyeen kooxahooda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga