Wayne Rooney ayaa xulay weeraryahanka Arsenal, Viktor Gyokeres, inuu ka mid yahay saddexda ciyaartoy ee ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkan ilaa hadda.
Maamulka Arsenal ayaa mudnaanta siiyey keenista weeraryahan dhab ah kadib markii ay saddex jeer oo xiriir ah ku dhamaysteen kaalinta 2-aad horyaalka premier League iyadoo taageerayaashu ay dalbanayeen gooldhaliyaha la hubo si uu u xoojiyo awoodda weerarka ee Mikel Arteta.
Magacyo caan ah oo badan ayaa lala xiriiriyey inta lagu guda jiray suuqa kala iibsiga xagaaga, ka hor inta aan Gunners diiradda saarin heshiis Gyokeres, kaasoo ka caawiyay Sporting in ay ku guulaystaan horyaalka Portugal.
Gyokeres ayaa ilaa hadda shabaqa taabtay afar jeer toban kulan oo uu u ciyaaray horyaalka Ingiriiska. Waxa kale oo uu laba gool ka dhaliyey Champions League – labaduba waxay ka dhaceen Atletico Madrid.
Inkastoo su’aalo laga keenay dhaqdhaqaaqiisa iyo xirfadiisa farsamo, ka qaybqaadashadiisa weerarka hore ayaa ka caawisay Arsenal inay hogaanka u qabato shaxda iyada oo leh afar dhibcood oo ay ka sareeyaan kooxda ugu dhaw ee Man City.
Sida uu Rooney sheegay, weeraryahankii hore ee Sporting ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda ugu fiican horyaalka , isaga oo barbar dhigay Antoine Semenyo oo ka tirsan Bournemouth iyo Bryan Mbeumo oo ka tirsan Manchester United.
Markii laga weydiiyey inuu magacaabo saddexda ciyaartoy ee ugu fiican xilli ciyaareedkan ilaa hadda, kabtanka hore ee Manchester United iyo xulka England ayaa u sheegay Amazon Prime: “Saddexda ugu fiican, malaha Semenyo, waxaan u maleynayaa inuu Bournemouth u ciyaaray si cajiib ah, isagoo sii wata qaab ciyaareedkiisii xilli ciyaareedkii hore.”
“Bryan Mbeumo sidoo kale waan ku dari lahaa. Waxaan u maleynayaa inuu Manchester United u ciyaaray si aad u wanaagsan, xitaa kadib bilow adag oo xilli ciyaareedkan ah oo kooxda ay la kulantay. Waxaan u maleynayaa inuu runtii wanaagsan yahay.
“Kan saddexaad, malaha waxaan dooran lahaa Gyokeres. Arsenal dhowr sano ayay u baahnaayeen weeraryahan cusub oo lambarka sagaal ah, isagaana yimid.”
Be the first to comment