Wayne Bridge Oo Magacaabay Laba Kooxood Oo Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedka.

Wayne Bridge, daaficii hore ee Chelsea, ayaa doortay laba kooxood oo uu u arko inay ugu cadcad yihiin ku guuleysiga UEFA Champions League xilli-ciyaareedkan.

Paris Saint-Germain ayaa ah horyaalka hadda jira ee Champions League kadib guushii ay gaareen xilli ciyaareedkii hore.

Si kastaba, Bridge wuxuu aaminsan yahay in PSG ama Bayern Munich ay qaadi doonaan koobka sanadkan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri:“Runtii aad bay u adag tahay in la saadaaliyo”

“Maskaxdaydu mar walba way is beddeleysaa. Waxaan dareemayaa inaan PSG la sii socdo sababtoo ah saaka ayaan sidaas sheegay, laakiin haddana waxaan ka fikirayaa Bayern Munich”

“Si kastaba, waxay noqon doontaa mid ka mid ah kooxaha waaweyn.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga