
Daafaca kooxda Liverpool iyo xulka qaranka England Trent Alexander-Arnold ayaa loo sheegay in uu ‘laba jeer ka fikiro’ ku biirida Real Madrid.
Real Madrid ayaa la filayaa inay la soo saxiixato xiddiga tayada leh ee daafaca midig xagaaga marka uu qandaraaskiisu dhaco Anfield.
Alexander-Arnold, oo 26 jir ah, ayaa mustaqbalkiisa oo dhan ku qaatay kooxdii yaraantiisii ee Liverpool, isagoo u saftay in ka badan 300 oo kulan oo uu u saftay kooxda koowaad, waxaanu kula guuleystay labada Premier League iyo Champions League.
Xiddiga England ayaa weli ah shaqsi saameyn weyn ku leh Anfield laakiin lama filayo inuu saxiixo heshiis cusub oo Liverpool ah, taasoo wadada u xaareysa inuu dhaqaaqo Madrid.
Laacibkii hore ee Arsenal,Chelsea iyo Barcelona ayaa u sheegay Casino Utan Spelpaus u sheegay in uu ka laabto ku biirista kooxda Real Madrid.
“Waxa uu joogay Liverpool muddo dheer”ayuu yidhi.
“Qaab ciyaareedkiisii kulankii Man United waxa uu ahaa mid liita, waxa uu si fiican uga jawaabay kulankii FA Cup-ka laakiin wali waxa aan is waydiinayaa halka booskiisa ugu fiican yahay”.
“Aniga ahaan, isagu ma ahan daafac midig. Ma ahan daafac ku haboon, laakiin aad ayuu ugu fiican yahay kubada”.
“Miyaad u soo bandhigi doontaa heshiis cusub? wan ogahay in Real Madrid xiiso u qabto saxiixiisa, hadii uu Real Madrid ku biro lama cafin doono halkaas”.
Be the first to comment