“Waxan Rajaynayaa In Ayna Iska Lumin Fursada”:-Patrice Evra Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Daaficii hore ee bidix ee Manchester United, Patrice Evra, ayaa sheegay inuu taageerayo Arsenal si ay ugu guuleysato horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan.

Evra ayaa hadalkan sheegay isagoo la hadlayay Stake kaddib kulamadii dhexda toddobaadka.

Gunners ayaa hadda 7 dhibcood ka sarreeya kooxda kaalinta labaad ee Manchester City ee jadwalka.

Evra ayaa yiri:“Barbaraha ay Manchester City la galeen Nottingham Forest waa dhiirrigelin weyn, inkastoo Brighton & Hove Albion ay heleen fursado badan, haddana Arsenal ayaa guuleysatay.

“Tani waa calaamad muujinaysa koox ku guuleysan karta Premier League.

“Waxay ahayd fursad fiican oo City ay ku soo dhoweyn lahayd farqiga, weli ma dhamaan tartanka, laakiin guusha Arsenal ay ka gaartay Brighton waxay ahayd mid aad muhiim u ah.

“Waxaan rabaa Arsenal inay ku guuleysato horyaalka, waxaan kaliya rajeynayaa inaysan mar kale lumin fursadda.

“Dadku waxay jecel yihiin kaftankii aan ka sameeyay oo aan ugu yeeray Netflix, sababtoo ah mar walba waa inaan sugnaa xilli-ciyaareedka xiga. Kaalaya Arsenal, sanadkan waad sameyn kartaan, laakiin lama yaabi doono haddii ay mar kale fursadda lumiyaan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga