“Waxan Doonayaa In Aan Mar Kale Is Muujiyo”Kai Havertz Oo Doonaya Champions League 2-aad.

Xiddiga kooxda Arsenal ee Kai Havertz ayaa dajiyay qorshihii uu ku xaqiijin lahaa koobkiisii ​​2-aad ee UEFA champions League isaga oo markan Gunners u ciyaaraya.

Havertz, oo kula guuleystay Chelsea koobka ayaa rumaysan in kula guulaysiga Arsenal ee tartanka ay noqon doonta mid aad u weyn.

“In aan Arsenal kula guulaysto champions League ayaa iigu muhiimsanaan doonta”ayuu Havertz yidhi.

“Waa dareen fiican in aan ku guulaysto tartanka laakiin aan kooxdan kula guulaysto ayaa ka sii fiicnaan doonta”.

Isagoo ka mid ah ciyaartoyga yar ee leh khibrada ku guuleysiga Champions League, Havertz wuxuu diyaar u yahay inuu la wadaago khibradiisa laakiin waxa uu doonayaa in uu mar kale is cadeeyo.

“Haddii ciyaartoyda ay weydiiyaan, waan u sheegaa, laakiin hadda waa wax cusub, waxaan helnay ciyaartoy khibrad leh, waana tartan cusub, waxa aan tartanka ku guulaystay 3 ama 4 sano ka hor laakiin waxa aan doonayaa in aan mar kale is muujiyo”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga