
Ciyaaryahankii hore ee Bayern Munich iyo Manchester United, Owen Hargreaves, ayaa taageeray saxiixa cusub ee Liverpool, Hugo Ekitike, si uu uga nixiyo taageerayaasha Premier League xilli ciyaareedkan.
Wuxuu sheegay in weeraryahanku uusan Reds u dhalin doonin wax ka yar 20 gool xilli ciyaareedkan.
Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee England ayaa ku amaanay Ekitike awoodiisa farsamo iyo karti badan, isaga oo sheegay in jamaahiirta Reds ay ‘la yaabi doonaan tayadiisa.
Kadib bixitaankii Luis Diaz’s iyo baaskii Diogo Jota, Liverpool ayaa xoojisay weerarkeeda xagaagan.
Weeraryahan, Darwin Nunez, ayaa sidoo kale u dhaqaaqay kooxda Saudi Pro League, Al-Hilal, mid ka mid ah ciyaartoyda ay Liverpool la soo wareegtay waa Hugo Ekitike, kaasoo kaga soo biiray kooxda Bundesliga ee Jarmalka, Frankfur.
Waxa uu saxiixay heshiis lix sano ah oo ku kacaya lacag la sheegay in lagu kala wareegayo oo dhan 95 milyan euro.
Hargreaves ayaa saadaaliyay in weeraryahanku uu u shidi doono Reds xilli ciyaareedkan.
Wuxuu u sheegay TNT Sports”Uma maleynayo in dadku ay garteen sida Ekitike u fiican tahay.
“Waxaan u maleynayaa inuu noqon doono mid cajiib ah sanadkan”.
Waxaan qabaa inuu dhalin karo 20 gool, Waxaan filayaa in ugu dambeyntii dadku ay la yaabi doonaan sida uu canuggani u karti badan yahay.”
Isagoo sii hadlaya, ciyaaryahankii hore ee England ayaa barbardhigay weeraryahankii Halyeyga Arsenal, Thierry Henry.
“Marka Aad daawato waxa uu u muuqdaa mid ku xasuusinaya Henry laakiin wali wax badan ayaa u dhiman”.
Be the first to comment