“Waxa Ay Dhalin Doonaan 2 Gool” Jens Lehmann Oo Saadaaliyay Kulanka Arsenal Vs PSG.

Goolhayihii hore ee Arsenal, Jens Lehmann ayaa saadaaliyay kulanka lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee u dhexeeya Gunners iyo Paris Saint-Germain.

Xusuusnow in PSG ay 1-0 uga badisay Arsenal kulan ka tirsan lugta hore ee semi-finalka Champions League.

Kooxda reer Paris ayaa marti galin doonta kooxda Mikel Arteta bartamaha Todobaadka lugta labaad.

Isagoo la hadlayay talkSPORT, Lehmann ayaa ku adkeystay in Arsenal ay 2-0 ku garaaci doonto PSG una soo bixi doonto finalka.

“Sanadkan, waxay ahayd in ay ku guuleysan  [Premier League], Manchester City wax yar ayay hoos u dhacday, Liverpool ayaa bedelay, sanadka soo socda, waa inuu ku guuleysto,” Lehmann ayaa yiri.

“Laakin waxaa laga yaabaa inuu u baahan yahay inuu wax yar beddelo shakhsiyadiisa si uu wax ugu guuleysto.”

“Waxa aan rajaynayaa in ay dhaliyaan laba gool isla markaas aan iyaga Laga dhalin wax gool ah”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga