WARBIXIN:Maxay Arsenal U Baahanyahay Si Ay Ugu Soo Baxdo Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe.

Rajada Arsenal ee ah inay sanadkan gaarto finalka Champions League ayay jug Soo gaadhay iyada oo guuldaro kala kulantay kooxda PSG Lugta Hore ee Semi Final-ka Champions League xilli ciyaareedkan.

Guuldarro 1-0 ah oo ka soo gaartay Paris Saint-Germain lugtii hore ee semi-finalka habeenkii Salaasada ayaa la macno ah in ay Arsenal wajahayso shaqo adag si ay ugu soo baxdo wareega xiga ee tartanka.

Ka hor inta aysan u safrin Paris, Arsenal ayaa ku soo laabaneysa ciyaaraha Premier League isbuucaan, iyagoo ku soo dhaweynaya Bournemouth garoonka Emirates Stadium.

Mikel Arteta ayaa leh go’aan weyn oo uu ku qaadan karo xulkiisa maadaama laga yaabo inuu doonayo inuu nasiyo ciyaartoyda sida Bukayo Saka, Jurrien Timber iyo Declan Rice si uu u hubiyo inay diyaar u noqdaan kulanka PSG.

Si kastaba ha ahaatee, taasi waxay noqon kartaa dhaqaaq halis ah oo ka imaanaya maamulaha Arsenal sababo badan dartood. Mid waa in Cherries ay ka awood u leeyihiin in ay ka badiyaan Arsenal marka la eego qaab ciyaareedkooda taas ok halis galinaysa Fursadaha Arsenal Ee u Soo bixista Champions League xilli ciyaareedka Dambe.

Kadib bar-baro ay gashay 3 ka mid ah 5 kulan oo premier league ah Arsenal ayaa cabsi dareemaysa tartanka loogu jiro Soo bixista Champions League.

Taas natiijadeeda waxa dhici karta in ay Arsenal Gabi ahaanba u Soo bixi waydo Champions League xilli ciyaareedka Dambe.

Imisa Dhibcood Ayay Arsenal u baahanyahay si ay ugu soo baxdo Champions League.

Sida ay wax u socdaan, shanta sare ee ugu sareysa ayaa ku filnaan doonta Arsenal inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Kooxda reer London ee Chelsea ayaa haatan ku jirta kaalinta shanaad iyadoo leh 60 dhibcood, waxaana ay gaari kartaa ugu badnaan 72 dhibcood hadii ay badiso dhamaan kulamadii u haray.

Arsenal ayaa hore u urursatay 67 dhibcood sidaas darteed waxay u baahan tahay lix dhibcood oo kale (73) si ay gabi ahaanba u hubiso u soo bixista Champions League.

Sidaas darteed Arsenal ayaa u baahan kaliya laba guul 4-ta kulan ee uga dhiman xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga