
Kooxaha Premier League ayaa haatan ku soo laaban kara shaqada marka ay timaado saxiixyada. Suuqa labaad ee suuqa kala iibsiga xagaagan ayaa furmay Isniintii kadib lix maalmood oo nasasho ah maadaama uu furmay koobka kooxaha aduunka.
Waxa jira heshiisyo badan oo ku dhaw in la dhamaystiro Liverpool ayaa u muuqata in ay jabin doonto rikoorkeeda suuqa kala iibsiga iyaga oo heshiis 100 milyan euro ah kula soo wareegaya xiddiga Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz.
Arsenal ayaa sidoo kale samaynaysa wax ay ku soo kordhinayso xiddigaha Martin Zubimendi iyo Kepa Arrizabalaga. Waxay sidoo kale isha ku hayaan inay weeraryahan cusub ku soo daraan kooxdooda ka hor xilli ciyaareedka soo socda.
Manchester United ayaa sidoo kale daba socota weeraryahan kale waxayna maskaxda ku hayaan dhowr ka mid ah bartilmaameedyada Gunners.
Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 9-ka saxiix ee dhici kara suuqa kala iibsiga xagagaa.
Jack Grealish:
Xiddiga oo laga saaray liiska xiddigaha ka qayb galaya koobka kooxaha adduunka, Grealish ayaan mustaqbal ku lahayn City laakiin kooxda Guardiola ayaan wali wax dalab ah u helin xiddiga waxana ay u muuqataa in uu amaah ku bixi doono.
Alejandro Garnacho:
Xiddiga Alejandro Garnacho ayaan mustaqbal ku lahayn kooxda Man United kadib markii ay isku dheceen tababare Amorim waxana lala xidhiidhinayaa kooxaha Chelsea Iyo Tottenham.
Marcus Rashford:
Xiddigan oo dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore markii uu amaahd ku qaatay Aston Villa ayaa dhinaciisa la filayaa in uu isaga tago kooxda Man United iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda Inter.
Mike Maignan:
Inkasta oo ay Chelsea haatan ka baxday wadahadaladii ay kula jirtay Ac Milan si ay u hesho saxiixa xiddiga hadana wali waxa ay xiiso u qabtaa saxiixa Goolhayaha waxana laga yaabaa in ay saxiixiisa u dhaqaaqdo kadib tartanka koobka kooxaha adduunka.
Victor Osimhen:
Xiddigan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan waxana la filayaa in uu koox cusub ku biiro maalmaha ama todobaadyada soo socda.
Viktor Gyokeres:
Waa mid ka mid ah weeraryahanada loogu doonista badan yahay suuqa xagaagan waxana lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo premier League ah.
Bryan Mbeumo:
Man United ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga waxana ay haatan ka shaqaynaysaa sidii ay u dhamaystiri lahayd saxiixiisa.
Andy Robertson:
Liverpool ayaa u muuqata in ay lumin doonto Halyeey iyada oo xiddiga Andy Robertson uu ku dhawyahay in uu ku biiro kooxda Atletico Madrid.
Gianluigi Donnarumma:
Kooxda Man City ayaa xiiso u qabta saxiixa Goolhayaha reer Italy iyada oo suuqa ugu jirta badalka Ederson oo laga yaabo in uu ka tago kooxda suuqa xagaagan.
Be the first to comment