WARBIXIN: Xavi, Zidane & 9 Tababare Oo Badali Kara Erik Ten Hag Kadib Markii Man United Caydhisay Tababaraha.

Manchester United ayaa markale ugaarsi ugu jirta sidii ay u heli lahayd tababare cusub kadib markii la ceyriyay Erik ten Hag.

Ninka reer Holland ayaa shaqada laga eryay Isniintii ka dib markii uu si xun u bilowday xilli ciyaareedka cusub.

Waxay ku jiraan kaalinta 14-aad ee Premier League ka dib guuldaradii isbuucaan ka soo gaartay West Ham.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 9 tababare oo badali kara Erik Ten Hag.

Ruud van Nistelrooy:

Waa tababaraha haatan loogu dhiibay shaqada si ku meel gaadh ah iyada oo si weyn loo filayo in uu Halyeeyga Man United noqdo badalka joogtada ah ee Erik Ten Hag xagaaga.

In kasta oo uu kaliya ahaa caawiye Ten Hag muddo gaaban, weeraryahankii hore ayaa haatanba leh khibrad fiican isaga oo horyaalka Netherlands ku guulaystay horyaalka Holland isaga oo hogaaminaya PSV Eindhoven.

Ole Gunnar Solskjaer:

Hadii ay United waydo shaqaale cusub, Halyeeyga kooxda ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa horay u sheegay in uu diyaar u yahay in uu ku soo laabto kooxda.

Red Devils ayaa laga yaabaa in ay soo ceshato tababareheedii hore hadii ay waydo tababare ku haboon in uu hogaamiyo kooxda.

Graham Potter:

Waa tababare si deg-deg ah shaqada u qaban kara maadama uu bilaa shaqo ahaa tan ilaa markii uu ka tagay kooxda chelsea.

Graham Potter waa tababare horay loola xidhiidhinayay Man United xagaagii ka hor intii ayna go’aansan in ay sii haystaan Ten Hag.

Gareth Southgate:

Tababarahan ayaa ah tababaraha 1-aad ee ay doonayaan maamulka Man United iyaga oo xitaa horay ula kulmay tababaraha xagaagii.

Thomas Frank:

Tababare Thomas Frank ayaa shaqo fiican ka qabtay Brentford waxana horay loola xidhiidhinayay shaqooyin kooxo waaweyn sida chelsea iyo Liverpool.

Kieran McKenna:

Tababarahan ayaa horay loola xidhiidhinayay Man United waxana uu ka mid ahaa tababarayaashii lala xidhiidhinayay kooxda xagaagii.

Ruben Amorim:

Tababaraha ayaa ka mid ah tababarayaasha da’yarka ah ee ugu xiisaha badan qaarada haatan waxana uu shaqo fiican ka qabtay kooxda Sporting.

Xavi:

Haddii Red Devils ay dooneyso inay suuqa raadiso tababare da’yar ah waxana ay u dhaqaaqi karaan tababare Xavi oo haatan bilaa shaqo ah.

Zinedine Zidane:

Zidane ayaa horay loola xidhiidhinayay Man United laakiin tababaraha ayaan wali ku soo laaban shaqada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga