
Toddobo ciyaartoy ayaa laga yaabaa inay ka maqnaadaan ciyaarta Liverpool iyo Manchester United Axadda, marka dib loo bilaabo premier League.
Macalinka United, Ruben Amorim, ayaa arkay in walaacyada caafimaadka kooxdiisu ay yaraadeen toddobaadyadii u dambeeyay, iyadoo Matheus Cunha, Diogo Dalot, iyo Mason Mount dhammaantood ay ku soo laabteen garoomada.
Mount wuxuu calaamadeeyay bilowgii ugu horreeyay tan Iyo August sagoo gool dhaliyay ciyaartii 2-0 ee ay ka adkaadeen Sunderland ka hor nasashada caalamiga ah ee October Kadib guushaas, Amorim wuxuu hiigsanayaa inuu ku guuleysto labo kulan oo xiriir ah oo Premier League ah markii ugu horreysay tan iyo markii uu xilka qabtay.
Man United ayaa kulanka galaysa iyaga oo haysta koox buuxda oo bilaa dhaawac ah.
Lisandro Martinez ayaa ku sii dhowaanaya inuu soo laabto kadib markii uu dib ugu soo laabtay tababarka, inkastoo uu u badan yahay in si tartiib tartiib ah loogu soo celiyo garoomada kadib dhaawicii ACL ee uu gaaray bishii February.
Noussair Mazraoui ayaa ka maqnaa ciyaartii ugu dambeysay ee United, laakiin waxaa suurtogal ah inuu ka mid noqdo ciyaartoyda la dooranayo si ay uga hortagaan Liverpool.
Dhanka kale, macalinka Liverpool, Arne Slot, ayaa ka welwelsan dhowr ciyaartoy muhiim ah, oo ay ku jiraan labo ciyaartoy oo cusub.
Ibrahima Konate ayaa laga saaray garoonka intii lagu jiray ciyaartii ay Chelsea ku garaacday Liverpool, wuuna la daalaa dhacay xanuun muruqa bowdada ah, taasoo keentay in Faransiisku shaaca ka qaado dhammaadkii usbuuca inuu ku soo laabtay Liverpool, sida uu sheegay wargeyska Manchester Evening News.
Ryan Gravenberch ayaa beddelay Konate isagoo ka ciyaaray difaaca dhexe markii Konate la beddelay usbuucii la soo dhaafay, laakiin Slot waxaa laga yaabaa inuusan helin fursadaas haddii Konate weli maqnaado. Sababta ayaa ah in Gravenberch la beddelay waqtigii nasashada ciyaartii Netherlands ee ay ku garaaceen Finland kulan is reeb-reebka koobka adduunka ah.
Waxaa horay loo xaqiijiyay in Alisson uu maqnaan doono dhowr toddobaad sababtoo ah dhaawac muruqa bowdada ah, halka Giovanni Leoni oo ah saxiixii xagaaga uu bishii lasoo dhaafay la kulmay dhaawac halis ah oo jilbaha ah.
Waxaa sidoo kale jira walaac ku saabsan caafimaadka Wataru Endo kadib markii uu saacadihii ugu dambeeyay ka baxay safka Japan sababo la xiriira dhaawac aan la shaacin.
Be the first to comment