Indhuhu waxay u jeedsanayaan fiidnimada Jimcaha, 5-ta December, magaalada Washington ee caasimadda Maraykanka, halkaas oo Xarunta Fanka ee Kennedy ay martigelinayso isku aadka koobka adduunka sanadka 2026.
isku aadka waxaa ka qeyb-galaya 42 dal oo horay u xaqiijistay inay u soo gudbeen, halka liiska kama dambeysta ah la dhammeyn doono kaddib ciyaaraha labo is-reeb-reeb ah: mid Yurub ah iyo mid caalami ah.
Waxaa liiska hadda ku jira saddexda dal martida loo yahay: Canada, Maraykanka iyo Mexico, iyo sidoo kale dalalka ka imanaya qaaradaha kala duwan: Asia, Afrika, Yurub, Koonfurta Ameerika, CONCACAF iyo Oceania. Waxaana la sugayaa in la xalliyo 6-da kursi ee haray bisha Maarso 2026.
Afar boos ayaa lagu go’aamin doonaa is-reeb-reebka Yurub oo ay ku jiraan 16 dal, halka laba boos lagu bixin doono is-reeb-reebka caalamiga ah, oo ay ka qeyb-galayaan: Bolivia, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Ciraaq, Jamaica, New Caledonia iyo Suriname.
FIFA waxay u qoondeysay kubbo midabbo leh dalalka martida loo yahay:
-
Mexico waxay heshay midabka cagaaran waxayna hoggaaminaysaa Kooxda A
-
Kanada guduud waxay hoggaaminaysaa Kooxda B
-
Maraykanka buluug waxay hoggaaminayaan Kooxda D
Dalalka kale ayaana loo qaybiyay sida uu hore u dejiyay FIFA.
Qaybinta dalalka (Pots):
Pot 1-aad:
Kanada, Mexico, Maraykanka, Spain, Argentina, France, England, Brazil, Portugal, Netherlands, Belgium, Germany.
Pot 2-aad:
Morocco, Croatia, Colombia, Uruguay, Switzerland, Japan, Senegal, Iran, South Korea, Ecuador, Austria, Australia.
Pot 3-aad:
Masar, Algeria, Tunisia, Qatar, Saudi Arabia, Norway, Panama, Scotland, Paraguay, Ivory Coast, Uzbekistan, South Africa.
Weelka 4-aad:
Urdun (Jordan), Cape Verde, Ghana, Curaçao, Haiti, New Zealand, iyo kuwii kasoo baxa is-reeb-reebka Yurub iyo kan caalamiga ah.
Habka loo sameynayo isku aadka:
Munaasabadda waxay ku bilaabanaysaa in dalalka weelka 1-aad lagu qaybiyo 12-ka kooxood, laga bilaabo Kooxda A ilaa Kooxda L.
Kadib waxaa la gudbi doonaa weelka 2-aad, 3-aad, ka dibna 4-aad.
FIFA hore ayay u dejisay madaxda kooxaha:
-
Mexico: Kooxda A
-
Kanada: Kooxda B
-
Maraykanka: Kooxda D
Nidaamka tartanka: qaab ballaaran iyo wareeg khaarijis ah oo weyn
Tartanka waxaa ka qeyb-galaya 48 dal, waxaana loo qaybinayaa 12 Group.
Waxa u gudbaya wareegga 32-aad:
-
Group kasta hogaamiyahooda
-
Group-ka labaad
-
8-da Xul ee ugu fiican kuwa kaalinta 3-aad ka soo gala
Taasi waxay xaqiijinaysaa dhammeystirka 32-dal ee wareegga xiga.
Xeerarka isku aadka xulalka si loo ilaaliyo sinnaanta qaaradaha
FIFA waxay mamnuucday in laba dal oo isla qaarad ah ay hal Group ku wada jiraan – marka laga reebo Yurub, oo uu ku jiri karo ugu badnaan laba dal.
Sidoo kale waa la kala fogeyn doonaa dalalka waaweyn ee darajada sare leh sida Spain, Argentina, France iyo England si aysan isku arag hore.
Jadwalka buuxa ee ciyaaraha – 24 saacadood kaddib
FIFA waxay soo bandhigi doontaa jadwalka dhammaan ciyaaraha iyo garoomada Sabtida, hal maalin kaddib munaasabadda qur’aadda, iyadoo lagu shaacinayo mareegaha rasmiga ah.
Be the first to comment