WARBIXIN: Tababarayaasha Tiradan Ugu Badan Ku Guulaystay Champions League

Horyaalka Yurub ee UEFA Champions League ayaa ah kan ugu sarreeya xilli ciyaareed kasta oo Yurub ah, iyadoo kooxaha miisaanka culus iyo maamulayaasha ay ku dagaalamayaan koobka caanka ah.

Real Madrid ayaa ah kooxda ugu guulaysiga badan Tartanka champions league iyaga oo u awood sheegtay kooxaha reer yurub.

7 tababare ayaa Los Blancos kula guuleystay koobabka Yurub ama Champions League, taasoo qeyb ka ah awooda taariikhiga ah ee ay kooxdu ku leedahay tartanka.

Liiska tababarayaasha ku guulaystay tartanka waxa ku jira qaar ay ka mid yihiin tababarayaasha caanka ah ee kubada cagta, sida Carlo Ancelotti, Sir Alex Ferguson, Pep Guardiola, Bob Paisley iyo Zinedine Zidane.

Carlo Ancelotti ayaa ah tababaraha ugu guulaysiga badan Tartanka champions league isaga oo ku guulaystay 5 jeer.

Hadaba halkan kaga bogo tababarayaasha ugu guulaysiga badan Tartanka champions league.

Carlo Ancelotti: 5 jeer

Pep Guardiola: 3 Jeer

Bob Paisley: 3 Jeer

Zinedine Zidane: 3 Jeer

Jose Villalonga:  2 Jeer

Luis Carniglia: 2 Jeer

Jose Mourinho: 2 Jeer

 

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga