
Premier league waxa ka soo shaqeeyay ama haatanba ka shaqeeya tababarayaasha ugu fiican Taariikhda.
Tababarayaasha ayaa gaadhay guulo badan iyaga oo kooxaha ay hogaaminayeen ku hogaaminayayn dhibcaha ugu badan.
Waxa la soo saaray tababarayaasha dhibcaha ugu badan ka helay horyaalka premier league intii ay joogeen.
Tababarihii hore ee kooxda Man United Sir Alex Ferguson ayaa ah tabbaaraha dhibcaha ugu badan ka helay horyaalka premier league isaga oo helay 1,752 dhibcood.
Waxa ku xiga Arsene Wenger kaas oo helay 1,627 dhibcood horyaalka premier league.
Halkan kaga bogo tababarayaasha dhibcaha ugu badan ka helay horyaalka premier league.
Sir Alex Ferguson: 1,752 Dhibcood
Arsene Wenger: 1,627 Dhibcood
David Moyes: 989 Dhibcood
Harry Redknapp: 878 Dhibcood
Pep Guardiola: 750 Dhibcood
Jose Mourinho: 735 Dhibcood
Jurgen Klopp: 705 Dhibcood
Be the first to comment