WARBIXIN: Saxiixyada Ugu Fiican Ee Ilaa Haatan Laga Sameeyay Suuqa Kala Iibsiga.

In kasta oo Euro 2024 iyo Copa America haysteen hadal haynta kubada cagta hadana waxa jira kooxo badan oo sameeyay saxiixyo ay ku xoojinayaan kooxohooda.

Man United oo bilowday dar-dar galinta suuqa isla markaas samaysay saxiixyo cusub ilaa Real Madrid oo samaysay saxiixii ugu fiicnaa ee ilaa haatan suuqa xagaaga.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada ugu fiican ee ilaa haatan laga sameeyay suuqa xagaaga.

Kylian Mbappe -> Real Madrid:

Dabcan heshiiska Kylian Mbappe ee Real Madrid ayaa liiskan ugu sarreeya.

Real Madrid ayaa si xor ah ula soo wareegtay ciyaartoyga ugu fiican kubbada cagta aduunka.

Michael Olise -> Bayern Munich:

Asal ahaan koox kasta oo weyn oo Yurub ah ayaa dooneysay inay la soo wareegto Michael Olise.

xiddiga 22 jirka ah ayaa dhaliyay 16 gool halka uu caawiye ka noqday 14 kale xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Douglas Luiz -> Juventus:

In ay iska dirto Adrien Rabiot waa arin cajiib ah oo ay Juventus samaysay laakiin in ay ku badasho Douglas Luiz waa mid ka sii cajiibsan.

Joao Palhinha -> Bayern Munich:

Kadib markii ay ku fashilantay saxiixa xiddiga maalintii ugu dambaysay ee suuqii January, Bayern ayaa haatan dhamaystirtay saxiixa xiddiga reer Portugal.

Leny Yoro -> Manchester United:

In aad lacag 52 milyan ah ka bixiso xiddiga 18 sano jira waa arin la yaab leh laakiin Leny Yoro ayaa laga yaabaa in uu u qalmo.

Xiddiga ayaa sanado badan u adeegi doona kooxda waxana uu ka mid yahay xiddigaha u soo baxaya kubada cagta adduunka.

Joshua Zirkzee -> Manchester United:

Waa weeraryahan la bar-baro dhigo Zlatan Ibrahimovic marka uu haysto kubada cagta waxana uu wax weyn ku soo kordhin doonaa Man United.

Alvaro Morata -> AC Milan:

Xiddigan ayaa ahaa hogaamiyihii xulka Spain ee ku guulaysigii euro 2024 waxana uu dhaliyay 21 gool waxana la odhan karaa waa saxiix aad u fiican.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga