WARBIXIN: Saxiixyada Laga Yaabo In La Dhamaystiro Todobaadkan

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay, waxaana heshiisyadu si xowli ah ku socdaan.

Kooxaha ayaa wadahadalo kula jira kooxo kale iyaga oo doonaya in ay dhamaystiraan saxiixyada ay doonayaan.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 4 saxiix oo laga yaabo in ay dhacaan todobaadka.

Matthijs De Ligt -> Man Utd:

Matthijs de Ligt ayaa laga yaabaa inuu ku sii jeedo Man Utd Isbuucaan ka dib markii ay soo warisay Sky Germany in Red Devils iyo Bayern Munich ay wadahadalo ku jiraan si ay uga heshiiyaan saxiixa xiddiga.

Riccardo Calafiori -> Arsenal:

Riccardo Calafiori ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Arsenal isaga oo ogolaaday heshiis 5 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono 4 milyan oo euro.

Laakiin labada kooxood ayaa wali wadahadalo ku jira si ay uga heshiiyaan qiimaha xiddiga.

Alvaro Morata -> AC Milan:

Kadib markii uu xulkiisa kula guulaystay Euro 2024, Morata ayaa ku dhaw in uu ku biiro Ac Milan.

Ac Milan ayaa haatan bixinaysa lacagta lagu bur-burinayo heshiiskiisa iyada oo kooxda reer Italy mar hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga.

Nico Williams -> Barcelona:

Barcelona ayaa bartilmaameed weyn ka dhigatay Nico Willams. Arimaha dhaqaalaha kooxda reer Spain ayaa ah si weyn looga walaacsanaa bilihii ugu dambeeyay.

laakiin madaxwaynaha La Liga ee Javier Tebas ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in ay aad ugu dhaw yihiin in ay la soo wareegaan xiddiga kooxda Atletic Club.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga