Kooxda Arsenal ayaa caawa la ciyaari doonta kooxda Dinamo Zagreb iyaga oo u baahan in ay u gudbaan wareega xiga ee tartanka.
Rajada Arsenal ee ku guulaysiga horyaalka ayaa sii yaraanaysa iyada oo 6 dhibcood oo cadaan ah ka dambeeya kooxda hogaaminaysa horyaalka.
Arsenal ayaa ku jirta kaalinta 5-aad iyada oo leh 13 dhibcood oo ay ka heshay 6 kulan oo ay ciyaartay ilaa haatan tartanka.
Maxay u baahan tahay Arsenal si ay ugu soo baxdo wareega 16ka Champions League?
Haddii Arsenal ay garaacdo Dinamo Zagreb: Booska 8-da sare way xaqiijin kartaa laakiin 100% lana hubo wali.
Haddii Arsenal ay barbaro la gasho Dinamo Zagreb: Guul ayay u badan tahay inay u baahan tahay kulankooda ugu dambeeya ee Girona, laakiin xitaa laba barbaro ayaa ku filnaan kara haddii ay natiijad natiijooyinka kale u dhacaan sida ay doonayaan.
Haddii Arsenal ay guuldarro kala kulanto Dinamo Zagreb: waxa ay ku qabsanaan doontaa in ay ka badiso Girona sidoo kale waxa ay ku tiirsanaan oontaa kulamada bug baxa ee Bisha February.
Be the first to comment