Wararka ayaa sheegaya in kabtanka Arsenal, Martin Ødegaard, uu si lama filaan ah uga mid noqday ciyaartoyda ay kooxda qorshaynayso inay iibiso xagaagan, si ay u raacaan xeerarka Financial Fair Play (FFP).
Kadib suuqii xagaaga oo mashquul badnaa oo ay Arsenal ku kharash gareeyeen in ka badan £268 milyan ciyaartoy cusub, kooxda ayaa hadda dib u eegaysa kharashaadkooda.
Waxaa laga yaabaa inay qasab ku noqoto inay iibiyaan ugu yaraan hal ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda koowaad, iyo sidoo kale qaar ka mid ah ciyaartoyda kasoo baxay akadeemiyadda, si ay u hubiyaan in dhaqaalahoodu sax yahay.
Wargeyska The Telegraph ayaa sheegay in wadahadallo ka socda Emirates Stadium lagu ogaaday in ay muhiim tahay in ugu yaraan hal ciyaaryahan oo safka hore ah uu baxo, si aanay u jabin xeerarka FFP.
Si lama filaan ah, kaptanka kooxda Ødegaard ayaa laga yaabaa in la iibiyo marka uu xilli ciyaareedku dhammaado.
Khadka dhexe ee reer Norway ayaa weli laba sano uga harsan yihiin qandaraaskiisa Arsenal, laakiin sumcaddiisa ciyaareed ayaa wax yar hoos u dhacday. Waxaa la sheegay in dalab weyn oo loo soo bandhigo Ødegaard loo arki doono fursad dhaqaale oo wanaagsan.
Sidoo kale, ciyaartoyda akadeemiyadda kasoo baxay sida Ethan Nwaneri iyo Myles Lewis-Skelly ayaa laga yaabaa inay ka tagaan kooxda.
Nwaneri waqti ciyaareed badan kama helin Emirates, waxaana amaah loogu diray Marseille.
Lewis-Skelly isna wuxuu hoos uga dhacay liiska ciyaartoyda uu doorbido tababaraha Mikel Arteta.
Ciyaartoy kale oo khibrad leh sida Gabriel Martinelli, Ben White, Kai Havertz, Gabriel Jesus, iyo Leandro Trossard ayaa sidoo kale laga yaabaa inay kooxda ka tagaan.
Martinelli, oo Arsenal ku soo biiray £7 milyan sanadkii 2019, iyo Ben White waxaa loo arkaa ciyaartoy laga heli karo faa’iido dhaqaale oo weyn haddii la iibiyo.
Havertz weli laba sano ayaa uga harsan qandaraaskiisa, laakiin Arsenal waxay ka fikiraysaa inay sii hayso ama iibiso.
Jesus iyo Trossard labaduba waxay galayaan sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraasyadooda, sidaas darteed kooxda waxay dooran kartaa inay qandaraas cusub siiso ama iibiso.
Arsenal waxay xagaagan soo iibsatay afar ciyaaryahan oo waaweyn:
Viktor Gyökeres, Martin Zubimendi, Eberechi Eze, iyo Piero Hincapié.
Inkasta oo dakhliga kooxda uu kor u kacay oo gaaray £690.3 milyan, mushaharka sare ee ciyaartoyda ayaa kordhiyay kharashaadka, sidaas darteed Arsenal waxay u baahan doontaa inay iibiso ciyaartoy dheeraad ah si ay u dheellitirto dhaqaalaha.
Be the first to comment