WARBIXIN: Liverpool Iyo Man City Oo Kulan Kala Bax Ah Ciyaari Kara Premier League, Sidee Ayay U Dhacaysaa.

Liverpool Iyo Man City ayaa laga yaabaa in ay mar kale kulmaan horyaalka premier League inkasta oo ay kala dhamaysteen kulamada xilli ciyaareedkan.

Horyaalka premier League ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo ay 3 kooxood ku tartamayaan xilli ay 9 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Liverpool ayaa haatan hogaaminaysa horyaalka premier League kadib markii ay 2/1 kaga badiyeen kooxda Brighton kulankii Axadii.

Reds ayaa ka faa’iidaystay bar-barihii ay galeen kooxaha Man City iyo Arsenal waxana ay haatan hogaanka u hayaan horyaalka.

Kooxda Klopp ayaa 2 dhibcood ka horaysa kooxda Arsenal halka ay 3 dhibcood ka horayso kooxda Man City.

In 3 kooxood ay kulanka ugu dambeeya ee horyaalka aadaan iyaga oo isku dhibco ah way adagtahay in ay dhacdo.

Laakiin hadii ay taasi dhacdo waxa la eegi doonaa kulamada waji-ka wajiga ah horyaalka premier League.

Haddii ay Arsenal ka mid noqoto 3-da kooxood waxa ay war fiican u tahay iyaga oo kaliya.

Sababta oo ah Gunners ayaa ku gacan saraysa waji-ka wajiga maadama ay ka badisay kooxaha Liverpool iyo Man City mid kalena bar-baro la gashay.

Laakiin hadii ay Liverpool iyo Man City hogaanka ku dhamaystaan wax walbana isaga mid noqdaan waxa ay wada ciyaari doonaan kulan dheeri ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga