Victor Osimhen ayaa weli ah ciyaaryahan Napoli ah ka dib markii uu xirmay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub, iyadoo Chelsea ay ku guuldareysatay inay heshiis la gaarto bartilmaameedkii mudada dheer.
Blues ayaa si isdaba joog ah loola xiriirinayay inay u dhaqaaqi doonto Osimhen sanadihii ugu dambeeyay, sidii ay sameeyeen labadii suuq ee ugu dambeeyay oo ay isku dayeen in ay xiddiga keenaan Stamford Bridge.
Kooxda chelsea ayaa isku dayday suuqii xagaaga oo dhan in ay xiddiga la soo saxiixato iyada oo ku raad joogtay ilaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee suuqa.
Sida laga soo xigay wararka kooxda chelsea ayaa ku fashilantay saxiixa Osimhen sababta ugu horaysa oo la xidhiidha in uu xiddigu diiday in uu hoos u dhigo mushaharkiisa.
Waxa lagu soo waramayaa in ay chelsea u soo bandhigtay xiddiga mushahar uu todobaadkii ku qaadan doono 115 kun oo Guni waana lacag ka yar inta uu haatan ka qaato Napoli.
Osimhen oo sidoo kale lala xidhiidhinayay Arsenal iyo kooxaha sucuudiga ayaa diiday in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu ugu soo dhaqaaqo Blues.
Sababta kale ee uu heshiisku u fashilmay ayaa ah in ay Chelsea muhiimada siisay saxiixa xiddiga Jadon Sancho maadama ay saxiixa Sancho u aragtay fursad.
Be the first to comment