WARBIXIN: Kooxdee Ku Guulaysan Karta Horyaalka Hadii Ay Arsenal, Liverpool & Man City Bar-Baro Ka Noqdaan Tartanka Horyaalka Premier League.

Yaa noqon doona horyaalnimada Premier League haddii Arsenal, Liverpool iyo Manchester City ay ku dhammaystaan isku dhibco iyo farqiga goolasha.

Xilli ciyaareedka 23/24 ayaa ah xilli ciyaareed taariikhi ah marka la eego tartanka adag ee ka dhexeeya labada kooxood.

Tartan noqon doona Faras saddex xiddig ah ayaa ka dhexeeya kooxaha Arsenal, Liverpool iyo City kuwaas oo dhamaantood fursad u haysta in ay noqdaan horyaal.

Gunners ayaa haatan hogaanka horyaalka ku haysa 64-dhibcood,halka Liverpool ay ku soo xigato,waxana ay leedahay 64-dhibcood,balse waxa ay ku jirtaa kaalinta 2-aad maadaama ay farqiga goolasha ka hooseeyaan.

Dhanka kale kooxda horyaalka difaacaneysa ee City ayaa hal dhibic ka hooseysa booska seddexaad.

Arsenal ayaa dib ugu soo laabatay hogaanka horyaalka markii ugu horeysay tan iyo Boxing Day ka dib guushii soo daahay ee ay ka gaareen Brentford.

Nasiib wanaagooda labada kooxood ee Liverpool iyo City ayaa dhibco lumiyay ka dib markii ay isku dhaafi waayeen barbaro 1-1 ah.

Sida ay BBC-da ku warantay, haddii Arsenal, Liverpool iyo City ay ku dhammaystaan dhibco isku mid ah iyo waliba farqiga goolasha oo isku mid ah waxa lagu kala saari doonaa kulamada fool-ka foolka ah iyo waliba goolasha ugu badan ee martida ee ay isk dhaliyeen kulamadii ay wada ciyaareen.

Hadii ay taasi dhacdo Arsenal ayaa haatan hogaanka u haysa maadama ay Emirates ku garaacday Liverpool iyo City.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga