WARBIXIN: Kooxaha Saxiixyada Ugu Badan Sameeyay 6-da Kooxood Ee Ugu Waaweyn Premier League 2-dii Sano Ee Ugu Dambaysay.

Horyaalka premier League ayaa sida caadada ah kooxaha ugu dhaq-dhaqaaqa badan suuqa kala iibsiga.

Gaar ahaan kooxaha ugu waaweyn premier League ayaa wacdaro ka dhiga suuqa kala iibsiga sanadihii ugu dambeeyay.

2-dii sano ee ugu dambeeyay kooxaha 6-da ah ee ugu waaweyn premier League ayaa sameeyay saxiixyo waaweyn.

Waxa la soo saaray kooxaha tan ilaa sanadkii 2022 sameeyay saxiixyada ugu badan suuqa kala iibsiga.

Kooxda chelsea ayaa samaysay saxiixyada ugu badan 2-dii sano ee ugu dambaysay iyaga oo sameeyay 36 saxiix.

Waxa ku xigta kooxda Tottenham oo samaysay 24 saxiix halka ay ku xigto Man United oo samaysay 18 saxiix.

Kooxaha Man City iyo Arsenal ayaa sameeyay saxiixyo isku mid ah iyaga oo sameeyay min 12 saxiix.

Liverpool ayaa ah kooxda ugu yar iyaga oo sameeyay kaliya 9 saxiix tan ilaa sanadkii 2022.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga