WARBIXIN: Kooxaha Lacagta Ugu Badan Galiyay Suuqa Ilaa Haatan Oo La Soo Saaray.

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa si xawli ah u socda iyada oo kooxuhu u dadaalayaan si ay u xoojiyaan kooxdooda.

Saxiixyo badan ayaa dhacay iyada oo xiddigo badan ku biireen kooxo kala duwan horyaalada ugu waaweyn yurub.

Inkasta oo suuqu furan yahay wax ka yar bil hadana saxiixyo badan ayaa dhacay kuwaas oo ay sameeyeen kooxo kala duwan.

Waxa la soo saaray Liiska kooxaha ilaa haatan suuqa galiyay lacagta ugu badan.

Kooxda Aston Villa ayaa ah kooxda suuqa galisay lacagta ugu badan iyada oo suuqa galisay lacag dhan 176 milyan euro.

Waxa ku xigta kooxda Bayern Munich oo suuqa galisay lacag dhan 145 milyan oo euro.

Waxa ku xiga kooxda Lyon oo suuqa galiyay lacag dhan 134 milyan oo euro halka ay Man United oo ku xigta suuqa galisay 105 milyan.

Halkan Kaga Bogo Kooxaha lacagta ugu badan galiyay suuqa

Image

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga