WARBIXIN: Iska, Gyokeres, Sesko Iyo Xiddigo Waaweyn Oo Seegi Kara Koobka Adduunka 2026.

Koobka Adduunka 2026 ayaa bilaabaya inuu qaab dhismeedkiisa yeesho. Dalal badan oo ka kala yimid daafaha dunida ayaa horey u xaqiijiyay boosaskooda ciyaarta xagaaga soo socota.

Waxa ku soo biiri kara dalal kale bilaha soo socda maadama kulamada is reeb-reebku ku dhawyihiin dhamaad.

England ayaa noqon karta mid ka mid ah kooxaha ugu dambeeya ee xaqiijiya tigidhka ay ku tagaan USA.

Laakiin iyadoo kaliya dhowr kulan oo is reeb-reeb ah dhimanyihiin qaar ka mid ah dalalka ayaa halis weyn ugu jira inay gebi ahaanba ka maqnaadaan tartanka — taasoo macnaheedu noqon karto in qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu waaweyn uguna fiican Premier League ay 2026-da ku daawan doonaan koobka iyagoo gurigooda ku fadhiya, halkii ay garoomada ka ciyaari lahaayeen.

Sweden

Sweden ayaa ilaa hadda soo martay olole aad u liita is reeb-reebka koobka adduunka iyaga oo ku jira kaalinta uGu hoosaysa Group- B Waxay kaliya haystaan hal dhibic afar kulan gudaheed, waxayna dhawaan si ceeb ah uga badisay Kosovo kulankoodii ugu dambeeyay. Qaab ciyaareedkooda ayaa layaab leh marka la eego tayada weyn ee ay haystaan, gaar ahaan weerarka.

Xiddiga Liverpool, Alexander Isak, ayaa laga yaabaa inuu yahay mid ka mid ah weeraryahannada ugu fiican Yurub, halka Viktor Gyokeres uu sidoo kale yahay doorasho cajiib ah. Anthony Elanga iyo Dejan Kulusevski labaduba waa ciyaartoy muhiim ah oo kooxdooda iyo dalkoodaba u ciyaara, balse waxaa suuragal ah inaanay ka qayb gali doonin Koobka Adduunka xagaaga soo socda.

Cameroon:

Markii aan u leexano Afrika, Cameroon waxay ka mid tahay xulalka gu waaweyn ee ku dhibaatoonaya is reeb-reebka.

Xulka Cameroon ayaa si lama filaan ah booska kaalinta 1-aad u lumisay xulka Cape Verde.

Waxay ku jiraan kaalinta labaad ee Group-kooda iyadoo dhammaan kulamadii la ciyaaray Tani waxay ka dhigan tahay in Cameroon ay halis ugu jirto inay noqoto mid ka mid ah xulalka uGu weyn ee seega koobka adduunka hadii ayna u soo bixin waxa koobka adduunka ka maqnaan doona xiddigaha ay ka mid yihiin Bryan Mbeumo iyo Carlos Baleba.

Italy:

alyaanigu wuu yaqaan sida loo guuldareysto inuu gaaro Koobka Adduunka. xulka 4 jeer ku guulaystay koobka adduunka ayaa ku fashilmay in ay u soo baxaan koobka adduunka 3 jeer oo isku xigta.

Xulka uu hogaaminayo Gennaro Gattuso waxay kaalinta labaad kaga jiraan Group-kooda iyaga oo ka dambeeya xulka Norway iyaga oo ay u dhimantahay 3 kulan hadii ayna badin kulamadaas waxa ay ku qasbanaan doonaan in ay ciyaaraan kulamo kala bax ah si ay ugu soo baxaan tartanka.

Hadii ayna u soo bixin koobka adduunka waxa tartanka ka maqnaan doona xiddigo ay ka mid yihiin Gianluigi Donnarumma, Guglielmo Vicario, Federico Chiesa, Riccardo Calafiori, Destiny Udogie iyo Sandro Tonali

Slovenia:

Inkastoo Mbeumo laga yaabo inuu guriga ku haro, saaxiibkiis Manchester United ee Benjamin Sesko ayaa sidoo kale ka mid noqon kara ciyaartoyda ka maqnaan doona Koobka Adduunka, maadaama Slovenia ay ku dhibaatoonayso is reeb-reebka koobka adduunka.

Slovenia waxay ku jiraan kaalinta saddexaad ee Group-kooda iyagoo aan guul gaarin afar kulan oo ay ciyaareen. Waxay haystaan laba kulan oo kaliya si ay qaab ciyaareedkooda u hagaajiyaan una xaqiijiyaan booska, sidaas darteed waxay runtii u baahan yihiin in Sesko uu qaado masuuliyadda si ay taas u gaaraan.

Nigeria:

Sida Cameroon, Nigeria ayaa sidoo kale wajahaysa cadaadis xooggan oo ku saabsan inay ka maqnaato Koobka Adduunka. Hadda waxay ku jiraan kaalinta saddexaad ee Group-kooda iyadoo saddex dhibcood ka dambeeya Benin, waxaana harsan kulan kaliya.

Nigeria waxay u baahan tahay guul kulankooda ugu dambeeya — taasoo si layaab leh ah ku dhici doonta iyaga oo wajahaya Benin — isla markaana waxay rajeynayaan in Koonfur Afrika ay dhibco lumiyaan si ay fursad ugu helaan inay si toos ah u soo baxaan. Haddii ay taas ku guuleystaan, labada ciyaartoy ee Fulham, Calvin Bassey iyo Alex Iwobi, ayaa si weyn u neefsan doona

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga