
Iyada oo 7 dhibcood ka Hoosaysa hogaamiyayaasha, Arsenal ayaa og in usbuuca soo socda uu muhiim u yahay rajada ay ka qabaan ku Guulaysiga Premier League.
Liverpool ayaa wajihi doonta seddex kulan oo adag Aston Villa (a), Manchester City (a) iyo Newcastle (h) inta u dhaxaysa hadda iyo Arbacada soo socota.
Hadii ay kulamadaas adag ka soo baxaan iyaga oo ku Jira boos fiican waxa ay ugu cad-dayihiin ku Guulaysiga premier League.
Laakiin hadii ay dhibco lumiso waxa ka faa’iidaysanaysa Arsenal Oo ku raad joogta.
Liverpool ayaa dhibco lumisay markii Everton ay barbaro 2-2 ah la gashay Merseyside derby Arbacadii hore, ka dibna kaliya waxay 2-1 kaga badisay Wolves galabnimadii axada.
Warbixintan waxa aan ku Soo bandhigo doonaa 4 Sabab Oo ay Arsenal rajo uga qabto ku Guulaysiga premier League.
Liverpool oo bilowday dhibco luminta:
Bishii hore ayay ahayd markii Liverpool ay ku guuldarraysatay inay garaacdo Manchester United iyo Nottingham Forest kulan ka tirsan Premier League, ka hor inta aanay lugtii hore ee semi-finalka Carabao Cup guuldaro kala kulmin Tottenham.
Kadib, labadii kulan ee ugu dambeeyay, Reds waxa ay bar-baro la gashay Everton Halka ay dirqi uga badisay kooxda Wolves.
Liverpool oo uu ka muuqdo daal:
Kulamada badan ayaa keentay in ay Liverpool u muuqato kuwo daalan kulamadii ugu dambeeyay.
Cadaadiska kulamada Waaweyn:
Liverpool ayaa wajahaysa kulamo adag iyaga oo ka Hor Tagi doona xiddigo lagu tilmaami karo kuwa ugu fiican booskooda taas ayaana tijaabin doonta kooxda Liverpool.
Dhaawacyada oo ku Soo badanaya:
Coday Gakpo, Trent Alexander Arnold iyo Gomez ayaa ahaa xiddigaha ka Dhaawacmay kooxda Liverpool kulamadii ugu dambeeyay sidaaa darteed waxa aad moodaa in wakhtiga dhaawacyadu ku bilowdeen Liverpool.
Be the first to comment