WARBIXIN: 8 Halyeey Oo Barcelona Oo Uu Robert Lewandowski Ka Goolal Badan Yahay Oo La Soo Saaray.

Robert Lewandowski ayaa kaliya labo xilli ciyaareed oo buuxa ku qaatay Barcelona, ​​laakiin wuxuu durba awooday inuu ka sarre maro halyeeyo badan oo Blaugrana ah.

Si la yaab leh, weeraryahanka reer Poland ayaa u dhaliyay Barca 78 gool 112 kulan oo uu u saftay.

Waxa uu celcelis ahaan u sameeyay gool 117 daqiiqo oo kasta intii uu joogay kooxda.

Waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 8 Halyeey oo uu Lewandowski durba dhaafay gooldhalinta.

David Villa:

Xiddiga reer Spain ayaa ka mid xiddigihii ugu fiicnaa taariikhda Barcelona waxana uu noqday Halyeey inii uu joogay kooxda.

Inkasta oo uu joogay 2010 ilaa 2013 hadana Lewandowski ayaa durba ka goolal badan Villa isaga oo dhaliyay 30 gool wax ka badan waliba kulamo yar oo uu ciyaaray.

Xirfadiisa Barcelona xiddiga Villa ayaa dhaliyay gool 165 daqiiqo oo kasta halka uu Lewandowski gool dhaliyay 117 daqiiqo oo kasta.

Thierry Henry:

Inkasta oo Henry uusan waligiis ahayn xiddiga ugu muhiimsan kooxda sanadihii uu ku qaatay hadana xiddiga ayaa ahaa xiddig heer caalami ah.

Guud ahaan, xiddiga reer France ayaa seddex sanno ku qaatay kooxda, waxaana uu dhaliyay 49 gool 121 kulan oo uu saftay.

Wakhtigan la joogo Lewandowski ayaa 29 gool ka badan Henry isaga oo ciyaaray kulamo ka yar kuwa uu ciyaaray.

Andres Iniesta:

Iniesta ma ahayn gooldhaliye laakiin waa xiddiga 4-aad ee ugu cyaarista badan isaga oo ciyaaray 674 kulan taariikhdiisa.

Wakhtigaas Iniesta ayaa dhaliyay 57 gool taas oo u dhiganta 0.08 kulan kasta laakiin Lewandowski ayaa haatan durba ka badan 85 gool.

Luis Figo:

Inkastoo taageerayaasha Barcelona ay u badan tahay inaysan Figo u arkin Halyeey sababo muuqda awgood, wuxuu ahaa ciyaaryahan wanaagsan oo u soo ciyaaray kooxda.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee reer Portugal ayaa u saftay kooxda 249 kulan shantii sano ee uu joogay, waxaana uu mudadaas u dhaliyay 45 gool. Tirada uu Lewandowski dhaafiyay xilli ciyaareedkiisii ​​labaad ee kooxda.

Michael Laudrup:

Weeraryahanka reer Denmarka ​​​​in kasta oo u dhaqaaqistiisa Real Madrid laga yaabo inay xoogaa xumaato ku reebtay xiriirka uu la leeyahay taageerayaasha, weli waxaa loo arkaa inuu yahay halyeey kooxda ah.

Qayb muhiim ah oo ka mid ah kooxdii Johan Cruyff ee 90-meeyadii, Laudrup ayaa u dhaliyay 54 gool kooxda 226 kulan oo uu saftay.

Gary Lineker:

Lewandowski ayaa barbareeyay goolashii Lineker ee 51 gool ee Barcelona bishii February ee sanadkan. Tan iyo markaas, wuxuu ku daray 27 kale.

Romario

Laacibka reer Brazil ayaa shaki la’aan ku jira gooldhaliyeyaasha ugu wanagsan abid, waayihiisa Barcelona waxa uu ahaa mid aad u wanaagsan.

Romario ayaa celcelis ahaan dhaliyay 0.6 gool kulankiiba shaadhka Barca taas oo ka yar rikoodhka Lewandowski oo dhan 0.7 gool kulan kasta.

Ronaldo:

Si la yaab leh, Ronaldo ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee liiskan oo dhan ku jira kaasoo ka goolal badan Lewandowski intii uu ku guda jiray xirfadiisa Barcelona.

Inkasta oo uu hal xilli ciyaareed oo kaliya ku qaatay kooxda, haddana waxa uu ku guulaystay in uu dhaliyo 47 gool 49 kulan oo uu u saftay. Taasi waa heerka gool dhalin oo dhan 0.96 gool ciyaartiiba.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga