Laadadka xorta ah waa hal meel oo u furan in laga doodo marka laga hadlayo Lionel Messi vs Cristiano Ronaldo kuwaas oo sanadihii ugu dambeeyay ku tartamayay dhalinta laadadka xorta ah.
taariikhda kubada cagta waxa soo maray Halyeeyo badan oo ku fiican dhalinta laadka xorta ah.
Laakiin xiddigagahaas ayaa ku kala badan tirada laadadka xorta ah ee ay dhaliyeen xirfadooda ciyaareed.
Halkan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 7 xiddig ee dhaliyay laadka xorta ah ee ugu badan taariikhda.
1.Juninho Pernambucano – 77 gool oo laad xor ah.
Xiddig reer Brazil ayaa ah xiddiga dhaliyay goolasha ugu badan ee laadka xorta ah isaga oo dhaliyay 77 gool xirfadiisa ciyaareed.
2.Pele – 70 gool oo laad xor ah.
waa xiddig kale oo reer Brazil ah kaas oo dhaliyay laadadka xorta ah ee ugu badan xirfadiisii ciyaareed.
3.Victor Legrottaglie – 66:
Xiddigan ayaa ah xiddiga 3-aad laakiin waxa ay isku goolal yihiin laadka xorta xiddigo kale.
4.Ronaldinho – 66
Waa xiddig kale oo reer Brazil kaas oo ka mid ahaa boqorada laadka xorta ah wakhtigii uu ciyaarayay.
5.Lionel Messi – 66
Messi ayaa dhaliyay goolkiisii ugu dambeeyay ee xorta ahaa kulankii ay kooxdisa Inter Miami ka badisay kooxda Columbus Crew xilli ciyaareedkan.
6.David Beckham – 65
Beckham ayaa adduunka ku soo jiitay qaabka cajiibka ah ee uu u dhalin jiray laadka xorta ah waxana uu dhaliyay 65 gool oo laad xor ah.
7.Cristiano Ronaldo -64
Waa xiddiga ugu dambeeya waxana uu xiddiga reer Portugal ku caan baxay laadka xorta ah kuwa ugu cajiibsan.
Be the first to comment