WARBIXIN: 6 Xiddig Oo Haatanba La Xaqiijiyay In Ay Seegi Doonaa Tartanka Euro 2024.

Fasaxa caalamiga ah ee bisha March ayaa fursad u siinaya qaar ka mid ah xiddigaha Yurub si ay u Soo bandhigaan awoodooda si ay uga qayb ahaadaan xulalkooda mrka la go’aaminayo xiddigaha la qayb ahaan doona tartanka Euro 2024.

Laakiin waxa jira qaar haatanba la xaqiijiyay in ay Seegi Doono tartanka Euro 2024.

Sanadkii 2020 waxa jiray xiddigo magaca leh Oo dhaawacyo ku sheegay tartanka waxana ka mid ah Virgil Van Dijk, Ibrahimovic iyo xiddigo kale.

Hadaba Warbixintan waxa aan ku Soo bandhigi doona 7 xiddig Oo Seegi Doono tartanka Euro 2024 Sabab la xidhiidha dhaawacyo.

Thibaut Courtois

Kabtan ku xigeenka Belgium Courtois ayaa ku guuleystay kulankiisii 100-aad ee heerka caalami ee Koobka Adduunka 2022 iyadoo dalkiisa uu si lama filaan ah ugu hadhay wareegii Group-yada.

Si kasta ahaatee waxa uu ciyaaray kaliya 2 kulan Oo dheeri ah ka Hor Inta uuna dhaawac halis ah Soo gaadhin.

David Alaba

Courtois kaliya maahan ciyaartoyga Real Madrid ee uu dhaawac halis ah Soo gaadhay xilli ciyaareedkan H alka xiddiga reer Brazil ee Eder Militao dhaawac jilibka ah aanu wax saamayn ah ku lahayn Euro, midkii soo gaadhay saaxiibkiis David Alaba ayaa wax badan ka qaba.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa Seegi doona tartanka waxana uu ka maqanaan Doonaa xulka uu kabtan u yahay.

Erling Haaland

Kaliya maahan dhaawacyo waxa  ciyaartoyada u diiday tartanka Euro 2024 Erling Haaland ayaa xilli ciyaareedkii hore ku dhameystay gooldhaliyaha ugu sareeya Premier League, laakiin xiddiga ayaa ku fashilmay in uu xulkiisa u Soo Saaro tartanka sanadkan.

Gavi

Tartanka Euro ee soo socota waxay fursad u noqon doontaa dhalinyaro badan oo tayo leh si ay ugu raaxaystaan tartankoodii ugu horeeyay.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Pedri ayaa sidaas sameeyay Euro 2020, laakiin xiddiga ay isku kooxda yihii  iyo saaxiibkiis Gavi uma badna inuu ka Soo muuqdo tartanka.

Inkasta oo uu 19 jir yahay, Gavi waxa uu horeba u saftay 27 kulan oo waaweyn Spain. Waxa uu dhaliyay labo gool isreebreebka, guulo uu ka gaaray Norway iyo Qubrus, laakiin waxaa soo gaaray dhaawac ciyaartii ugu dambeysay ee isreebreebka ay la ciyaareen Georgia bishii November taasoo u muuqata inuu sii maqnaan doono ilaa bilowga xilli ciyaareedka soo socda.

Paul Pogba

Dabcan, waxaa jirta sabab seddexaad oo ciyaartoyda qaar aysan uga soo muuqan doonin Euro 2024. Sidoo kale dhaawacyo iyo ku guuldareysiga inay u soo baxaan, waxaa jira magacyo waaweyn oo ganaax ku seegaya tartanka.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee France Pogba ayaa horey dhaawac uga maqnaa Koobka Adduunka 2022, isagoo sidoo kale seegay inta badan xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Italy ka dib markii uu dib ugu biiray Juventus horaantii sanadkaas. Markan, si kastaba ha ahaatee, waxa uu qarka u saaran yahay in uusan wax door ah ka ciyaarin tartanka Euro 2024 sababtoo ah ganaax afar sano ah Oo dusha Laga saaray Sabab la xidhiidha in uu adeegsaday daroogo Laga mamnuucay ciyaartoyada.

Sandro Tonali

Tonali, sida Pogba, waxa uu ku Seegi Doonaa tartanka Euro 2024 ganaax Kadib markii uu jabiyay xeerka khamaarka kubada cagta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga