
Kooxaha Premier League ayaa durba aad ugu mashquulsan suuqa kala iibsiga, kaasoo – markii ugu horeysay abid – furmi doona oo xiri doona labo jeer xagaagan.
Sababo la xiriira dib u habeyn lagu sameeyay Koobka Kooxaha Adduunka, kaasoo bilaabmaya Juun 15 waxa uu furmay 1 bishii June waxana uu xidhmi doonaa 10.
Kadib waxa uu furmi doonaa mar kale June 16, ka hor inta aanu xidhmin mar labaad Sebtember 1, Tiro dhaq-dhaqaaqyo waaweyn ah ayaa durba la soo gabagabeeyay, iyadoo Manchester United ay 62 milyan kula soo saxiixatay Matheus Cunha.
Liverpool ayaa sidoo kale la soo saxiixatay Jeremie Frimpong Kaas oo ay kala soo wareegtay Bayer Leverkusen kana soo bixisay lacag dhan 29 milyan oo euro.
Kooxda Chelsea ayaa weerarkeeda ku xoojisay saxiixa xiddiga Liam Delap kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Ipswich.
Saxiixyo kale oo waaweyn ayaa wali dhici kara waxana aan halkan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada la dhamaystiri karo todobaadkan.
Saddex saxiix oo Man City ah:
Manchester City ayaan weli wax saxiix ah sameynin xagaagan, laakiin heshiisyada seddex ciyaaryahan ayaa la soo gabagabeyn karaa dhawaan.
Kooxda Pep Guardiola ma rabto in lagu celiyo natiijooyinkii xilli ciyaareedkii hore, waxaana ay rajeynayaan inay dib u soo nooleeyaan kooxdooda.
Xidigga AC Milan Tijjani Reijnders ayaa qarka u saaran inuu ku biiro heshiis 46.3 milyan ah iyada oo la xaqiijiyay in lagu dhawyahay in la dhamaystiro heshiiska kadib markii ay Ac Milan kala heshiisay qiimaha xiddiga.
City ayaa sidoo kale ogolaatay inay la soo wareegto xiddiga Lyon Rayan Cherki iyo daafaca Wolves ee Rayan Ait-Nouri, iyadoo labada heshiis ay ku kacayaan min 35 milyan oo euro iyada oo Rayan Ait-Nouri mar hore ku baasay tijaabada caafimaadka.
Arsenal oo doonaysa Kepa:
Kepa Arrizabalaga ayaa qarka u saaran inuu heshiis qiimo hoose uGu biiro Arsenal, Xiddiga reer Spain ayaa xilli ciyaareedkii hore amaah kula joogay kooxda Bournemouth isaga oo kaga soo biiray kooxda Chelsea waxana heshiiskiisa lagu bur-burin karaa 5 milyan euro.
Chelsea Oo doonaysa laba saxiix ka hor koobka kooxaha adduunka:
Kooxda Enzo Maresca ayaa ku wajahan Maraykanka si ay uga qayb galaan koobka kooxaha aduunka waxana laga yaabaa in ay dhamaystiraan saxiixyo iyaga oo ku dhaw in ay 15 milyan kula soo wareegaan Goolhayaha Ac Milan ee Mike Maignan.
Chelsea ayaa sidoo kale dooneysa inay lasoo saxiixato xiddiga Borussia Dortmund Jamie Gittens. 20-sano jirkaan garabka ka ciyaara ayaa la sheegay inuu heshiis todobo sano ah la gaaray Blues.
Be the first to comment