WARBIXIN: 5 Xiddig Oo Liverpool Ka Tagi Doona Kadib Go’aankii Klopp.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka yaabsaday kubada cagta adduunka kadib markii uu shaaciyay in uu isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Klopp ayaa soo afjaraya ku dhawaad 9 sano oo uu joogay Anfield marka uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sanadihii uu joogay Liverpool, kooxda ayaa ahayd koox ayna xiddiguhu si dhib yar uga tagin.

Kadib go’aanka Liverpool waxa jira xiddigo laga yaabo in ay Klopp u raacaan albaabka Anfield.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 5 xiddig oo isaga tagi doona Liverpool kadib go’anka Klopp.

Virgil van Dijk:

Van Dijk waa ciyaaryahanka kaliya ee ilaa hadda ka hadlay mustaqbalkiisa ee la xiriira Klopp.

Kabtanka Liverpool ayaa sheegay in uuna garanayn in uu sii joogi doono Liverpool wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Mohamed Salah

Xiddiga ugu muhiimsan Liverpool ayaa horayba loola xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda iyada oo kooxdu diiday dalab 150 ah oo ay kooxaha sucuudigu ku doonayeen xiddiga.

Alisson

isaga oo jooga kooxda tan ilaa  2018, Alisson ayaa hogaaminaya xidigaha bixi kara marka uu Klopp ka tago kooxda.

Inkastoo uu 31 jirsaday sannadkii hore, Alisson ayaa weli ah goolhayaha ugu fiican Premier League.

Joe Gomez:

Inkasta oo uuna ahayn xidig joogto ugu ciyaara kooxda, Gomez ayaa boorsooyinkiisa ka qaadan kara Liverpool.

Xiddiga ayaa haatanba lala xidhiidhinayaa kooxaha Newcastle iyo West Ham.

Joel Matip:

Xilli ciyaareedka Joel Matip ee Liverpool ayaa soo dhamaaday bishii December kadib markii uu dhaawac halis ah soo gaadhay.

Xiddiga ayaa ah mid ku joogay kooxda Dalab Klopp ah iyada oo kooxdu wakhti hore iska fasixi lahayd laakiin klopp ayaa doortay in uu sii haysto xiddiga.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga