WARBIXIN: 5 Xiddig Oo Ka Tagi Kara Bayern Munich Suuqa Xagaagan.

Thomas Tuchel ma aha shaqsiga kaliya ee ka tagi kara Bayern Munich xagaagan…

Bayern Munich ayaa is badal weyn samayn doonta suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo iska diraysa xiddigo badan.

Waxa jira xiddigo la filayo in ay ka tagaan kooxda Bayern Munich inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha ka tagi kara Bayern Munich xagaagan.

Matthijs de Ligt

Matthijs de Ligt ayaa Bayern ku yimid sumcad aad u wanaagsan isagoo ah mid ka mid ah daafacyada ugu da’da yar ee Yurub, si kastaba ha ahaatee waxaa laga yaabaa inuu ku guuldareystay inuu is muujiyo tan ilaa markii uu kooxda kaga biiray Juventus.

Alphonso Davies:

Davies ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha ugu awooda badan

Alphonso Davies waa mid ka mid ah bartilmaameedyada ugu sarreeya ee Real Madrid, waxaana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda waxana uu heshiiskiisa haatan dhacayaa sanadka 2025.

Jamal Musiala:

Musiala ayaa ka mid ah xiddigaha da’yarka ah ee u soo kacaya Bayern Munich iyo kubada cagta waxana lala xidhiidhinayaa kooxaha Man City, Liverpool iyo kooxo kale oo waaweyn.

Joshua Kimmich:

Joshua Kimmich waa ciyaaryahan kale oo soo jiidanaya xiisaha Guardiola, labada nin ayaa ku riyaaqay xiriir wada shaqeyn oo cajiib ah markii uu Pep weli joogay Bayern.

City kaliya ma ahan kooxda xiisaha u qabta saxiixiisa maadama Man United iyo Barcelona sidoo kale doonayaan saxiixiisa.

Serge Gnabry

Serge Gnabry ayaa dhaawacnaa inta badan xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu ka maqnaa qorshaha tababarihii hore ee kooxda taas ayaana keeni karta in uu isaga tago kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga