Ugu yaraan shan kooxood ayaa taariikhda UEFA Champions League ku sameeyay soo laabasho ah 3 gool ama ka badan kulamada Bug baxa.
Kooxahaas waa:
- Deportivo La Coruña
- FC Barcelona
- AS Roma
- Liverpool
- Sporting CP
Sporting CP ayaa noqotay kooxdii ugu dambeysay ee sidaas sameysa.
Kooxda reer Portugal ayaa Talaadadii ku garaacday Bodø/Glimt 5–0 lugta labaad ee wareegga 16-ka, taasoo u sahashay inay gaarto quarter-finalka.
Waxaa xusid mudan in Sporting ay 3–0 ku soo guuldarreysatay lugtii hore, laakiin ay si cajiib ah u rogtay natiijada.
Sida uu sheegay Opta, soo laabashooyinka kale ee waaweyn waxaa ka mid ah:
- Deportivo La Coruña vs Milan (2003/04 – 8 dhamaadka )
- Barcelona vs PSG (2016/17 – Wareega 16)
- Roma vs Barcelona (2017/18 – Wareega 8 dhamaadka)
- Liverpool vs Barcelona (2018/19 – Semi-final)
- Sporting CP vs Bodø/Glimt (wareega 16)
Be the first to comment