WARBIXIN: 4 Waddo Oo Ay Arsenal Ku Buuxin Karto Dhaawacyada Weerarka Ku Habsaday Kooxda

Mikel Arteta ayaa wajahaya dhibaato dhanka weerarka ah, iyadoo la sheegayo in Arsenal laga yaabo inay weyso laba weeraryahan oo kale.

Iyada Gabriel Jesus mar horeba la xaqiijiyay in waxa haatan Soo baxaya wararka sheegaya in Kia Havertz uu sidoo kale garoomada ka maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Bukayo Saka iyo Gabriel Martinelli ayaa sidoo kale dhaawacmay lamana filayo inay soo laabtaan ilaa bisha soo socota, Arteta waa inuu hal abuur sameeyo si uu u qaabeeyo safka hore ka hor kulanka sabtida ee Leicester.

Leandro Trossard

Waxaa laga yaabaa in uu yahay dookha ugu macquulsan ee suurtagalka ah .

Trossard ayaa safka hore ee Girona ku hogaamiyay Champions League markii Havertz la nasiyay bishii hore iyada oo Laga ciyaarsiiyay booska Havertz iyada oo Arsenal ku ciyaartay shaxda 4-4-2.

Xiddiga reer Belgium ayaa sidoo kale loo isticmaalay dookh cajiib ah wax yar ka dib markii uu ku soo biiray Gunners guga 2023, isagoo caawiyay shan gool seddexdii kulan ee uu ku soo bilowday.

Shaxda 1-aad ee macquulka:

Arsenal XI: Raya; Timber, Saliba, Gabriel, Lewis-Skelly; Odegaard, Partey, Rice; Nwaneri, Trossard, Sterling.

Raheem Sterling:

Waa xiddig kale oo garabka ah oo ka Ciyaaray xirfadiisa ciyaareed weerarka tooska ah marar badan.

Sida laga soo xigtay Transfermarkt.com, xiddiga reer England ayaa u saftay 62-kulan booskaas intii uu joogay Liverpool,Chelsea iyo Manchester City,isagoo u dhaliyay 25 gool 10 caawinna waa uu sameeyay waqtigaas.

Waxa uu sidoo kale weerarka uga ciyaaray xulka England isaga oo guulo la gaadhay gaar ahaan intii lagu jiray Koobkii Adduunka ee 2018 ee Russia – inkastoo uu ka garab ciyaaray Harry Kane oo uuna kaligiis ka ciyaarin weerarka.

Shaxda 2-aad ee macquulka:

Arsenal XI: Raya; Timber, Saliba, Gabriel, Lewis-Skelly; Odegaard, Partey, Rice; Nwaneri, Sterling, Trossard.

Ethan Nwaneri

In kasta oo khadka dhexe ee weerarka ama garabka ka ciyaaro, Arteta waxa uu ku jiraa rikoorka inuu Nwaneri u yahay weeraryahan dhexe mustaqbalka waxaana laga yaabaa inuu isku dayo inuu dardargeliyo qorshayaasha horumarka da’yarka.

17-sano jirkaan ayaa ku jira qaab ciyaareed aad uga wanaagsan Sterling, isagoo dhaliyay 7 gool xilli ciyaareedkan, inkastoo uu fursado yar helay.

Shaxda 3-aad ee macquulka:

Arsenal Xl: Raya; Timber, Saliba, Gabriel, Lewis-Skelly; Odegaard, Partey, Rice; Sterling, Nwaneri, Trossard.

Mikel Merino:

Lama filaanka ugu weyn ayaa ah in uu Arteta khadka dhexe ee Mikel Merino ka ciyaarsiiyo weerarka.

Kadib markii uu kooxda Kaga Soo Biiray Real Sociedad, hadana xiddiga ayaan wax saamayn ay ku yeelan kooxda ilaa haata.

Merino ayaa khadka dhexe Kaga dambeeya xiddigaha Thomas Partey, Declan Rice iyo Odegaard.

Si ka duwan seddexda ciyaaryahan ee beddelka hore, Merino ma lahan wax khibrad weerarka ah laakiin waxa laga yaabaa inuu la mid yahay Havertz marka la eego sifooyinkiisa jireed.

Shaxda 4-aad ee macquulka:

Arsenal XI: Raya; Timber, Saliba, Gabriel, Lewis-Skelly; Odegaard, Partey, Rice; Nwaneri, Merino, Trossard

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga