WARBIXIN: 4 Sabab Oo Ay Man City Uga Badin Karto Real Madrid

Kulanka xiiso leh ayaa dhexmaraya kooxaha Real Madrid iyo Man City kaas oo ka tirsan champions league.

Labada kooxood koox walba waxa ay doonaysaa in ay badiso kulanka.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 7 sabab oo ay Man City u garaaci karto Real Madrid.

1.Real Madrid Daafac ma haysato: kooxda Real Madrid ayaa la dhibaatoonaysa dhibaatooyin dhaawac iyada oo kooxda ka maqan yihiin ugu yaraan 5 xiddig oo ka Ciyaara daafaca.

Lucas Vazquez, Dani Carvajal, Antonio Rudiger, Eder Militao iyo David Alaba Ayaa dhamaantood dhaawac Kaga maqan Real Madrid.

2.Vinicius oo aan ku jirin qaab ciyaareed Fiican:  xiddig Vinicius Jr ayaan ku jirin qaab ciyaareedkii fiicnaa ee looga bartay waxana uu ku dhibaatoonayaa qaab ciyaareedka, waxana ay arimtaas faa’iido u yahay Man City Oo aan daafac fiican lahayn lafteedu.

3. Fashilka Kulamada Waaweyn: City ayaa si dhab ah ula dhibtooneysa kooxaha Waaweyn xilli ciyaareedkan, iyadoo Arsenal iyo Liverpool ay ka badiyeen premier league iyada xitaa guuldaro kala kulantay Man United sidoo kale Real Madrid waxa garaacay kooxaha Waaweyn iyada oo guuldaro kala kulantay Juventus iyo Paris Saint-Germain.

3.Saxiixyada cusub ee Man City Oo doonaya in Ay Is Muujiyaan: Man City ayaa suuqii January u adeegsatay si caqli badan iyada oo la soo saxiixatay xiddigo ay ku xoojisay kooxda ayaa la soo saxiixatay xiddigaha Omar Marmoush, Abdukodir Khusanov, Vitor Reis and Nico Gonzalez kuwaas oo kulanka soo galaya si ay isku Muujiyaan.

4.Guardiola waa yaqaan sida loo garaaco Madrid: waxa laga yaabaa in ay Real Madrid marar badan hurdo la’aan ku Riday Guardiola laakiin Rikoodhka Pep ee Real Madrid ayaa ah mid cajiib ah isgaa oo badiyay 13 ka mid ah 25 kulanka oo uu ka Hor tagay Real Madrid

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga