Kooxaha Liverpool iyo Real Madrid waxa dhexmari doona kulan adag oo ka tirsan tartanka champions League kaas oo ka dhici doona Anfield.
Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyada oo doonaysa in ay badiso kulanka si ay u sii wadato rikoodhkooda cajiibka ah ee tartanka.
Dhinaca kale Real Madrid ayaa u baahan in ay badiso hadii ay doonayso in ay rajo fiican ka hesho u soo bixista wareega xiga ee tartanka.
Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa meelaha ay ku kala badin karaan labada kooxood:
Virgil van Dijk vs Kylian Mbappe
Virgil van Dijk ayaa dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ilaa haatan xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu ka hor iman doonaa Kylian Mbape waana tijaabo adag oo uu wajahayo kabtanka Liverpool.
Ryan Gravenberch vs Jude Bellingham:
Labada xiddig ayaa horay isaga hor yimid 3 jer waxana dhamaantood badiyay xiddiga Ryan Gravenberch.
Xiddiga reer Netherlands ayaa dhinaciisa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu ka hor iman doonaa Bellingham oo ah xiddigaha ugu muhiisam Real Madrid.
Luis Diaz vs Federico Valverde:
Xiddiga reer Uruguay ee Federico Valverde ayaa laga ciyaarsiin doonaa daafaca garabka si uu u buuxiyo booska xiddigaha dhaawacan ee Carvajal iyo Luis Vasquez.
Xiddiga Real Madrid ayaa ka hor iman doona xiddiga la odhan karo waxa uu ka mid yahay xiddigaha qaab ciyaareedka ugu fiican ku jira liverpool ee Luis Diaz.
Mohamed Salah vs Antonio Rudiger
Salah ayaa wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan waxana uu ku jiraa qaab ciyaareed heer sare ah.
Xiddiga 32 jirka ah oo aan waligiis ka badin Real Madrid ayaa ka hor iman doona daafaca mayalka adag ee Antonio Rudiger kaas oo la filayo in uu si dhaw ula socdo Salah.
Be the first to comment