
Arsenal ayaa isha ku heysa inay gaarto finalka Champions League markii ugu horeysay tan iyo 2006 iyaga oo la ciyaaraya kooxda PSG.
Labada kooxood ayaa kulmay horaantii xilli ciyaareedkan – iyadoo Arsenal ay 2-0 ku badisay bishii October – laakiin PSG wax badan ayay horumartay tan iyo markaas.
Kooxda Luis Enrique ayaa aaminsan inay jabin karto Gunners, gaar ahaan kulanka lugta labaad ee semi-finalka isbuuca soo socda oo lagu ciyaari doono garoonka Parc des Princes.
Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa si heer sare ah u duulaysa ka dib markii ay sideed dhamaadka ku garaacday kooxda difaacanaysa Real Madrid, waxaana jira sababo ay kooxda Mikel Arteta u aaminsan tahay inay gaadhi karaan finalka Munich 31ka May.
Ka Faa’iidaysiga Kubadaha Madaxa ah:
Kubadaha madaxa ah ayaa dhibaato ku ah kooxda PSG xilli ciyaareedkan iyada oo 38% goolasha laga dhaliyay ay yihiin kubado madax ah ilaa haatan.
Tan ayaa war u fiican Arsenal marka la eego in ay Gunners ku fiicantahay kubadaha karooska ah waana fursad weyn oo ay ku dhaawici karaan Arsenal.
Isticmaalista awoodooda:
Enrique ayaa ku amaanay Arsenal inay tahay kooxda ugu fiican Yurub marka ayna kubada haysan ka hor kulakoodii hore ee xilli ciyaareedkan.
Hadalkaan ayaa noqday mid run ah iyadoo Gunners ay guul 2-0 ah ka gaartay kooxda PSG oo ay kaga awood badnayd jidh ahaan.
Saka In Ay Siiyaan Boos Banaan:
Loolanka ugu adag waxa uu dhexmari doonaa xiddiga Bukayo Saka Iyo Daafaca bidix ee Nuno Mendes.
Saka ayaa u muuqda mid ku soo laabanaya qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa kadib markii uu dhaawac ka soo laabtay bishii December.
Xiddiga ayaa ka mid ahaa kuwii furaha u ahaa guushii ay Arsenal ka gaadhay Madrid waxana uu mar kale fure u noqon doonaa kulanka PSG.
Saka waxa uu ahaa kabtanka habeenkii ay labada kooxood kulmeen bishii October, waxaana uu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu bandhigga fiican Arsenal, isagoo dhaliyay laad xor ah.
Be the first to comment