
Kooxda Arsenal ayaa si deg-deg ah u dhamayatirtay saxiixa xiddiga kooxda Brentford Christian Norgaard.
Arsenal ayaa subaxdii lala xidhiidhinayay xiddiga iyada oo galabnimadiiba heshiis la gaadhay.
Xiddiga ayaa haatan isku diyaarinaya in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Arsenal.
Hadaba waxa jirta 3 sabab oo uu saxiixa Norgaard yahay mid u fiican kooxda Arsenal.
Khibrada Premier League:
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee ka maqnaan doona Arsenal khadka dhexe waa khibrada kadib bixitaankii Thomas Party
Xiddiga cusub eenMartin Zubimendi ayaa ku cusub horyaalka Ingiriiska mana lahaan doono khibrada Partey laakiin khibrada Christian Norgaard ayaa si weyn y caawin doonta.
Tan iyo markii uu ka caawiyay Brentford in ay u soo dalacdo premier League kabtanka Brentford ayaa ciyaaray 122 kulan tartanka, isagoo dhaliyay 11 gool isla markaana caawiyay 13. Taasi waa wax si weyn u anfacaya Mikel Arteta iyo kooxdiisa.
Da’da iyo hoggaaminta:
Partey kaligii kama tagin Arsenal sidoo kalw waxa ka tagay xiddiga Jorginho kaas oo ku biiray Kooxda reer Brazil.
Bixitaankiisa waxa ay kooxda Gunners ku reebtay farqi u dhexeeya da’diisa iyo tayada uu kabtanku leeyahay.
waxaana uu awood u yeelan doonaa inuu khibradiisa da’da ah amaahiyo ciyaaryahan kasta oo u baahan caawinaad.
Dookh Jaban:
Heshiiska Arsenal ee Norgaard ayaa laga yaabaa inuu kor ugu koco 15 milyan oo euro Mana ahan lacag laga bixinayo ciyaatoy khibrad iyo hogaamin ku soo kordhinaya kooxda.
Doorkiisa aasaasiga ah ee Gunners ayaa noqon doona booska khadka dhexe ee kaydka ah, lacagta ay kooxda ku bixinayso ayaana taas ka tarjumaysa. Taasi waa qaddarka ugu habboon ee lagu dhimi karo ciyaaryahan tayada Norgaard iyo maqaamkiisa mustaqbalka ee kooxdiisa mustaqbalka.
Be the first to comment