WARBIXIN: 3 Sabab Oo Ay Arsenal Caawa Uga badin karto Newcastle

Arsenal ayay shaqo adag Hor taalaa si ay u badiso kulanka adag ee ay caawa la ciyaari doonto kooxda Newcastle.

Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyada oo 2 Gool looga soo badiyay kulankii lugta 1-aad ee tartanka.

32-kii xaaladood ee kooxdi lugtii hore ee semi-finalka League Cup looga badiyay laba gool iyo wax ka badan, hal mar oo kaliya ayaa soo baxday kooxda lugta hore Laga badiyay.

Taasi waxay timid xilli ciyaareedkii 1993-94 markii Aston Villa ay 3-1 kaga soo laabtay guuldaradii kooxda Tranmere lugtii hore.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 3 sabab oo ay Arsenal Uga badin karto Newcastle.

1.Bournemouth iyo Fulham oo muujiyay in Laga badin karo Newcastle kadib markii ay garoonkeeda kaga badiyeen sidaas darteed Arsenal ayay tudaale u tahay in ay ka badin karto Newcastle kulanka caawa.

2.Arsenal ayaa kalsooni ku soo galaysa kulanka kadib markii ay garaaceen kooxda Man City waxana ay muujisay in ay ka badin karaan koox kasta wakhtigooda fiican.

3.awoodii St. James ee kooxda Newcastle aya luntay wakhtigii ugu dambeeyay waxana ay kooxo badan ku garaaceen kooxda Newcastle garoonkeeda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga