WARBIXIN: 3 Meel Oo Ay PSG Ka Horumartay Tan Ilaa Kulankii Ugu Dambeeyay Ee Ay La Ciyaartay Arsenal.

Luis Enrique ayaa uga digay Arsenal inuu jiro “kala duwanaansho weyn” oo u dhexeeya kooxda Paris Saint-Germain ee Gunners ay garaacday bishii October iyo kan ay wajihi doonaan caawa.

Arsenal ayaa 2-0 ku garaacday PSG horaantii xilli ciyaareedkan markaas oo ay labada kooxood ku kulmeen Emirates Stadium kulan ka tirsanaa horyaalka heerka kowaad ee Champions League.

Labada kooxood ayaa markale ku kulmaya lugta hore ee semi-finalka wuxuuna Enrique ku adkaystay in kooxdiisu ay horumar wayn samaysay wixii intaa ka danbeeyay.

Enrique ayaa aaminsan in kooxdiisu ay haatan “aad u dhamaystiran tahay” ayna diyaar u yihiin in ay taariikh sameeyaan iyaga oo markii ugu horaysay ku guulaystay champions League.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa meelaha ay Horumar ka samaysay tan ilaa markii ay labada kooxood kulmeen.

Dembele oo dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa:

Waxaa jiray qaar ka mid ah maqnaanshiyaha caanka ah markii ay kulmeen Arsenal iyo PSG bishii October.

Gunners waxaa ka maqnaa kabtankooda Martin Odegaard, halka PSG ay ka maqanaa weeraryahankeeda Ousmane Dembele.

Weerar yahanka reer France ayaa ciyaartaas looga saaray Enrique sababo anshax dartood, laakiin hadda waxa uu dib ugu soo laabtay shaxda.

Dembele ayaa sidoo kale ku jiray qaab ciyaareed cajiib ah isagoo dhaliyay todobo gool, seddexna caawiye ka ahaa intii lagu gudajiray PSG oo u gudubtay semi-finalka.

Xiddigaha Da’yarka PSG Oo Khibar yeeshay:

Mid ka mid ah waxyaabaha uu Enrique sameeyay si uu isugu diyaariyo kulanka caawa ayaa ah inuu dib u daawado kulanka October.

Arsenal ayaa u awood sheegatay PSG habeenkaas waxana ay kooxda Mikel Arteta adeegsatay khibrad dheeraayeen xiddigaha da’da yar ee PSG.

Waxa ay ahayd qayb ka mid ah bilawga adag ee champions League xilli ciyaareedkan kooxda da,yarka ah ee Enrique kuwaas oo sidoo kale guuldaro kala kulmay Atletico Madrid iyo Bayern Munich shantii kulan ee ugu horeeyay.

Kvaratskhelia Ayaa  soo biiray January:

PSG ayaa ka guurtay qaabkii ay ku heli jirtay xiddigaha waaweyn ee magaca leh laakiin saxiixa Khvicha Kvaratskhelia ku jira xiddigaha magaca weyn.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa kaga soo biiray Napoli bishii January isagoo qalinka ku duugay heshiis gaaraya ilaa June 2029.

Kvaratskhelia ayaa ku soo kordhiyay qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu halis weyn ku noqon doonaa kooxda Arsenal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga