Kulamada todobaadka 31-aad ee Premier League ayaa bilaabmay habeenkii Jimcaha, iyadoo Manchester United ay barbaro 2-2 la gashay Bournemouth garoonka Vitality Stadium.
Kooxda hogaanka u haysa Premier League ee Arsenal iyo kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Manchester City ma ciyaari doonaan horyaalka EPL usbuucan, sababtoo ah kulamadooda ayaa dib loo dhigay final-ka Carabao Cup awgiis.
Arsenal ayaa la ciyaari doonta Manchester City final-ka Carabao Cup-ka oo dhacaya Axadda garoonka Wembley Stadium.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira kulamo Premier League ah oo la filayo inay keeni karaan natiijooyin lama filaan ah.
Brighton vs Liverpool
Kulankan ayaa dhici doona galabnimada Sabtida, waxaana lagu ciyaari doonaa American Express Stadium. Liverpool waxay ku jirtaa kaalinta 5-aad ee kala sarreynta horyaalka, halka Brighton ay ku jirto kaalinta 12-aad. Liverpool waxay barbaro 1-1 la gashay Tottenham kulankoodii ugu dambeeyay, halka Brighton ay 1-0 kaga badisay Sunderland.
Kooxda martida loo yahay (Brighton) waxay rajaynaysaa inay ka faa’iidaysato garoonkeeda si ay uga yaabiso kooxda Arne Slot.
Everton vs Chelsea
Everton ayaa Sabtida fiidkii gurigeeda ku qaabili doonta Chelsea. Labada kooxba waxay lumiyeen kulamadoodii ugu dambeeyay, Everton oo laga adkaaday Arsenal iyo Chelsea oo laga adkaaday Newcastle United. Everton waxay ku jirtaa kaalinta 8-aad, halka Chelsea ay ku jirto kaalinta 6-aad.
Everton waxay rajaynaysaa inay ka fogaato guuldarro gurigeeda ah, isla markaana ay natiijo fiican ka hesho kulankan.
Aston Villa vs West Ham
Aston Villa ayaa Axadda fiidkii ku martigelin doonta West Ham garoonka Villa Park. Kooxda uu hoggaamiyo Unai Emery ayaa laga adkaaday kulankoodii ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen Manchester United, halka West Ham ay barbaro 1-1 la gashay Manchester City.
Aston Villa waxay ku jirtaa kaalinta 4-aad, halka West Ham ay ku jirto kaalinta 18-aad.
Kooxda martida ah (West Ham) waxay keeni kartaa natiijo lama filaan ah, maadaama ay doonayaan inay sii wadaan qaab ciyaareedkoodii kulankii Manchester City.
Be the first to comment