WARBIXIN: 3 Arimood Oo Ay Man United Tahay In Ay Badasho Si Ay Uga Faa’iidaystaan Nidaamka Ruben Amorim.

Ruben Amorim wuxuu si adag u difaacay falsafadiisa kadib guuldarradii Manchester United ka soo gaartay kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City ciyaartii Axadda ee derby-ga.

Tababaraha United wuxuu sheegay in kooxda ay tahay inay shaqada ka ceyriso haddii ay doonayaan inuu nidaamkiisa beddelo, isaga oo markale ku adkaystay inuu ka go’an yahay aragtidiisa uu la yimid Old Trafford.

Inkasta oo uu kaliya sideed guulood ka gaaray Premier League tan iyo markii la magacaabay bishii November ee la soo dhaafay, hadallada Ruben Amorim waxay ahaayeen kuwo geesinimo leh. Si kastaba ha ahaatee, ma ahayn kuwo aan sal lahayn, sababtoo ah inkastoo ay guuldaro kala kulantay Man City hadana waxa jirta wakhtiyo ay Man United dhiiri galin ka heli karto.

Waxay ku raaxaysteen waqtiyo badan oo ay kubadda haysteen garoonka Etihad, halkaas oo ay si tartiib tartiib ah uga dhiseen weerarka laga soo bilaabo daafaca ilaa weerarka. Waxaana si cad u muuqata in Amorim uu xagaagan la qaatay kooxdiisa tababarka si uu u xoojiyo qaab ciyaareedkiisa.

Isbeddel dheeraad ah ma aha waxa Manchester United u baahan tahay; waxay rumaysanyihiin fikradaha Ruben Amorim, iyaga oo maalgelin ku sameeyay kooxdiisa in ka badan £200 milyan.

Si kastaba ha ahaatee, kalsoonida United ma noqon karto mid indho la’aan ah, waxaana looga baahan yahay Amorim inuu muujiyo dabacsanaan yar marka uu dooranayo ciyaartoyda kooxdiisa.

Bilow cusub oo loogu talagalay Mainoo

Waxaa jira dhibaatooyin badan oo haysta Manchester United, qaarna waa kuwo aan xal loo helin karin, balse hal go’aan ayaa si cad u horyaalla kooxda.

Diidmada Amorim ee ku aaddan inuusan Kobbie Mainoo ku bilaabin safka hore ayaa sii noqoneysa mid layaab leh toddobaadba toddobaadka ka dambeya, iyadoo laacibka da’da yar uu beddel ahaan uga soo muuqday labadii kulan ee ugu dambeysay ee horyaalka.

Mainoo waa hibbo cajiib ah, isku-dhafka ku habboon ee awood jireed, xirfad, iyo deganaan; si kastaba ha ahaatee, Amorim weli wuu ka caga-jiidayaa inuu ka faa’iideysto.

Axaddii, wuxuu doortay inuu isticmaalo Manuel Ugarte oo uu la ciyaaro Bruno Fernandes, taasoo keentay in lagu ciqaabo, iyadoo City si fudud uga dhex gudubtay khadka dhexe ee United.

Markii uu ugu dambeyntii soo geliyey Mainoo, saacaddu markay ka badnayd, waxaa si cad u muuqday koror tamar iyo jihayn ah, laakiin markaas natiijadu horey ayaa loo go’aamiyey.

Mainoo, oo ahaa iftiin dhalaalaya maalintii murugada lahayd, ayaa ku daray firfircooni ciyaarta United, isaga oo kaashanaya qaybaha ugu fiican ee nidaamka Amorim.

Burno Fernandes In Uu Horay U Dhaqaajiyo:

Bruno Fernandes wuxuu ahaa astaan joogteyn ah xilligii qalalaasaha ee United sanadihii la soo dhaafay, ciyaaryahan leh awood uu kooxdiisa uga soo saaro xaalad kasta.

Kabtanka United waa nooca shakhsiyadda ah ee Amorim u baahan yahay inuu ku dhiso kooxdiisa, isagoo ciyaaraya awoodihiisa halkii laga beddeli lahaa si uu ugu habboonaado nidaamka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga