WARBIXIN: 3 Arimood Oo Aan Ka Baranay Kulankii Ay Liverpool Ka Badisay Kooxda Ac Milan.

Liverpool ayaa ka soo kabsatay guuldaradii naxdinta lahayd ee isbuucaan ka soo gaartay Nottingham Forest fiidnimadii Salaasadii iyaga oo garaacay kooxda Ac Milan tartanka UEFA Champions League.

Kooxda Slot ayaa ka soo laabtay gool wakhti hore laga dhaliyay waxana ay ku badiyeen 3/1 iyaga oo guul ku bilowday champions league.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa waxyaabihii aan ka baranay guushii Liverpool.

1.Cody Gakpo waxa uu u qalmaa in uu ciyaaro kulamada:

Xiddiga reer Netherlands ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo dhib badan ku ahaa daafacyada kooxda Ac Milan.

Xiddiga ayaa caawiye ka ahaa goolkii uu dhaliyay xiddiga Szoboszlai.

Kadib qaab ciyaareedkaas cajiib ah, Waa in uu Gakpo helo daqiiqado intaas ka badan si uu u muujiyo tayadiisa.

2.Dominik Szoboszlai Oo Noqonaya Wadanaha Liverpool:

xiddiga Dominik Szoboszlai ayaa la odhan karaa waa wadnaha Liverpool iyada oo xiddigu ka ciyaaro khadka dhexe ee weerarka gaar ahaan No.10.

Xiddiga ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah, waxana laga dareemayaa kulanka uu sida fiican u ciyaarayo Liverpool ayaa ah koox aan la joojin karin.

3.Virgil van Dijk waa daafaca ugu fiican adduunka:

Xiddiga Virgil van Dijk ayaa lagu tilmaami karaa waa midka ugu fiican adduunka booskiisa.

Virgil van Dijk ayaa kaligiis joojiyay dhamaan weerarada kooxda Ac Milan isaga oo sidoo kale gool ka dhaliyay kulanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga