WARBIXIN: 20 Xiddig Oo Seegi Kara Kulanka Arsenal Iyo Tottenham

Arsenal waxay soo dhoweynaysaa Tottenham garoonka Emirates Stadium Waana mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan xilli ciyaareed kasta ee Premier League.

Derbiga woqooyiga London wuxuu badanaa keenaa dhacdooyin iyo goolal badan, waxaana Axadda Gunners ay doonayaan inay gaaraan guushoodii afraad oo xiriir ah oo ay ka gaaraan Spurs — markii ugu horreysay tan iyo dabayaaqadii 1980-meeyadii.

Xilliyaashii u dambeeyay ayaa calaamad u noqday in awooddii kubadda cagta ee woqooyiga London ay dib ugu soo laabatay dhinaca Arsenal, iyadoo la soo afjaray waayihii Spurs ee lix xilli oo xiriir ah oo ay ka sareeyeen Arsenal.

Gunners kaliya uguma cad-cada guusha kulanka manta sidoo kale waxa ay ugu cad-cad yihiin guulaha premier League xilli ciyaareedkan.

Hase yeeshee, inkasta oo kulankani soo kordhin doono xiiso Iyo xamaasad aan caadi ahayn waxaa suuragal ah in ilaa 20 ciyaaryahan ay seegaan kulanka dhaawacyo awgood.

ARSENAL

Gabriel wuxuu seegi karaa ilaa bishaJanuary kaddib dhaawac bowdo ah oo uu ku qaaday isagoo u ciyaaraya xulka Brazil intii lagu jiray fasaxa ciyaaraha caalamiga ah.

Riccardo Calafiori waxaa looga saaray xulka Italy sababo la xiriira dhibaato ka haysata miskaha.

Kai Havertz wuxuu la kulmay “soo noqosho yar” kaddib isagoo saddex bilood uga maqnaa dhaawac jilibka ah, balse wuxuu rajeynayaa inuu ciyaaro ka hor dhammaadka sanadkan.

Viktor Gyokeres weli shaki ayuu ku jiraa inuu wajaho Spurs, kaddib dhaawac muruqa dambe ah oo uu ka qaaday kulankii Burnley November 1.

Martin Odegaard wuxuu la tacaalay xilli ciyaareed ay dhaawacyo badan taas oo ka hor istaagtay inuu ciyaaro tan iyo horraantii October, waxaana haatan kabtanka ka maqnaanaya ciyaaraha dhaawac jilibka ah.

Noni Madueke wuxuu dadaal ugu jiraa in lagu daro liiska ciyaartoyda kulanka derbiga, kadib ku dhowaad laba bilood oo uu dhaawac jilibka uga maqnaa garoomada.

Gabriel Martinelli wuxuu seegay afartii kulan ee ugu dambeeyay ee Arsenal sababo la xiriira dhibaato muruqeed, sidaas darteed wuxuu ku jiraa tartan uu ku doonayo inuu ku soo kabsado si uu uga hortago Spurs.

Gabriel Jesus wuxuu garoomada ka maqnaa ku dhowaad hal sano dhaawac jilibka ah awgiis, balse wuxuu ku soo laabtay tababarka iyadoo rajadu jirto inuu mar kale cagta saaro garoonka ka hor dhammaadka 2025.

TOTTENHAM:

Mohammed Kudus wuxuu seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee Spurs sababo la xiriira jug soo gaadhay Walina shaki ayaa ku jira in uu ciyaari karo kulanka Arsenal.

Lucas Bergvall waxaa garoomada kaga maqnaa tan iyo markii uu ka dhaawacmay madaxa kulankii Chelsea ee 1 Novermber.

Pape Matar Sarr waxa uu dhaawac ka soo gaadhay waajibaadka xulka qarankiisa Senegal waxaana uu toddobaadkii hore ugu soo laabtay Tottenham.

Dominic Solanke wuxuu sheegay in weli aan la hayn wakhti cayiman oo uu ku soo laabanayo, kadib dhaawac canqowga ah oo qaliin looga sameeyay xilli ciyaareedkan horraantiisa.

Randal Kolo Muani wuxuu dhaawac xun ka soo gaaray daanka intii lagu jiray kulankii 2-2 ku dhammaaday ee ay la yeesheen Manchester United, balse wararku waxay sheegayaan inuu ciyaari karo isagoo xidhanaya maaskaro ilaalin ah.

Archie Gray wuxuu seegay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay sababo la xiriira dhaawac muruq waxaana la filayn inuusan soo laaban doonin ilaa bisha December.

Radu Dragusin wuxuu garoomada ka maqnaa tan iyo January dhaawac lafdhabarta jilibka (ACL), balse toddobaadkii hore si nabad ah ayuu uga soo gudbay kulan saaxiibtinimo oo lagu qabtay garoonka tababarka.

Dejan Kulusevski wuxuu dhaawac uga maqnaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, balse wuxuu rajeynayaa inuu ciyaaro bisha December.

Kota Takai weli wuu sugaa kulankiisii ugu horreeyay, kadib markii uu dib-u-dhaawac ka soo gaaray tababarka oo ku xigay dhaawac cagta ah oo uu qaaday xilli-ciyaareedka ka hor.

Ben Davies waxa uu ku maqnaanayaa dhaawac muruqa ah oo ka soo gaadhay waajibaadka xulka qarankiisa Wales.

Yves Bissouma ayaa wali ka soo kabsanaya qaliin looga sameeyay kuraanta kaas oo ka soo gaadhay xilli uu ku jiray waajibaadka xulka qarankiisa.

James Maddison waxaa loo malaynayaa inuu seegi doono guud ahaan xilli ciyaareedkan sababo la xiriira dhaawac jilibka ah

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga