
Si walba oo aad u fiicantahay waxa ugu Muhiimsan ayaa ah ku Guulaysiga koobabka.
Xiddiga waxa lagu xasuustaa kaliya inta koob ee uu ku guulaystay xirfadiisa ciyaareed laakiin laguma qiimeeyo sidii uu u fiicnaa.
Ku Guulaysiga koob weyn ayaa ah waxa ugu adag waxana Jira xiddigo badan oo ku fashilantay in ay ku guulaystaan Koobab xirfadooda.
Waxa aan galaynaa Todobaadyadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka waxana Jira xiddigo u dagaalamay ku Guulaysiga koobab kala duwan.
Hadaba warbixintan waxa aan ku Soo bandhigi doonaa xiddigaha ku guulaystay koobabka ugu badan kubada Cagta.
Lionel Messi – 46 koob:
Halyeyga dhabta ah, Messi waxa uu ku guuleystay koobab gaar ah oo aan la tirin karin si uu ula socdo guulaha kooxdiisa, oo ay ku jiraan rikoorka siddeed abaalmarin ee Ballon d’Or.
Laacibka reer Argentina waxa uu ku guuleystay 34 koob intii uu joogay Barcelona, ka hor inta uusan saddex kale ku qaadin Paris Saint-Germain.
Laakiin koobkii ugu weynaa xirfadiisa ayaa ahaa koobka adduunka oo uu kula guulaystay xulka qaranka Argentina.
Dani Alves – 44 koob
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay taariikhda kubada cagta ee gaara 44 koob ka dib markii uu helay dahabka Olombikada 2021.
Hossam Hassan – 41 koob:
Weeraryahankan ayaa ah xiddiga ugu koobabka badan xulkiisa sidoo kale xiddiga waa xiddiga ugu goolasha badan taariikhda xulkiisa.
Hossam Ashour – 39 koob
Ciyaaryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa weli heysta waddo uu ku noqon karo ciyaaryahanka Masar ugu guulaha badan – sharaftaas xitaa ma leh Ashour!.
Gerard Pique – 37 koob:
Xiddiga ayaa soo maray safka hore ee Sir Alex Ferguson ee Man United ka hor inta uusan ku laaban Barcelona si uu uga caawiyo kooxdiisii caruurnimada inay ku guuleysato seddex koob 2008/09 iyo 2014/15.
Pique, oo ka fadhiistay ciyaaraha 2022, ayaa sidoo kale door wanaagsan u soo ciyaaray Spain koobkii adduunka ee 2010 iyo guushii Euro ay ku qaadeen laba sano ka dib.
Andres Iniesta – 37 koob
40 jirkan ayaa wali ka Ciyaara Horyaalka imaaraadka kadib markii uu Kaga Biiray kooxda reer Japan ee Vissel Kobe.
Laakiin Iniesta ayaa mar walba lagu xasuustaa koobabkii uu kula guulaystay kooxda Barcelona iyo waliba xulka qaranka Spain.
Maxwell – 37 koob:
Magac la yaab leh ayaa laga yaabaa laakiin daafaca reer Brazil ayaa nasiib u yeeshay inuu u ciyaaro kooxda Inter Milan ee Jose Mourinho ka hor inta uusan ku biirin kooxda Pep Guardiola ee Barcelona.
Maxwell ayaa markaas ka mid ahaa ciyaartoydii ugu horeysay ee u wareegta PSG ka dib markii ay la wareegeen Qatar Sports Investments 2011.
Sergio Busquets – 37 koob
Halyey aan la Soo hadal qaadin, waagii Barcelona iyo Spain ay maamulayeen, Busquets ayaa ahaa xiddiga laf dhabarta u ah.
Ka dib markii uu 32 koob kula guuleystay Barca iyo seddexleey uu la qaaday La Roja, Busquets ayaa Messi u raacay Miami, waxaana uu ku darsaday koobka Leagues Cup ee uu la qaaday Miami.
Cristiano Ronaldo – 35 koob:
U ciyaarista kooxaha Manchester United, Real Madrid iyo Juventus ayaa ka caawisay in uu galo 10 Xiddig ee ugu koobabka badan.
Ryan Giggs – 34 koob:
Ciyaaryahanka kaliya ee liiskan ku jira ee ku guuleystay dhammaan koobabka intii uu ka ciyaarayay England waxana uu Soo qaatay xirfad cajiib ah.
Giggs waa ciyaaryahanka ugu koobabka badan taariikhda United isagoo ku guuleystay 34 koob xirfadiisa ciyaareed taasoo u sahashay inuu u saftay 963 kulan naadigiisa kaliya muddo 24 sano ah.
Be the first to comment