Liverpool ayaa laga yaabaa in ay lacag rikoorka adduunka ah ku bixiso Xabi Alonso hadii ay doonayso in ay hesho saxiixiisa si ay ugu badasho Jurgen Klopp.
Iyadoo ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe uu qandaraas kula jiro Bayer Leverkusen ilaa xagaaga 2026, hogaamiyaasha Bundesliga ayaa dalbanaya lacag ka badan 20 milyan si ay u fasaxaan tababaraha.
Waxaana laga yaabaa inay ku kacdo wax ka badan lacagtii 25 milyan Gini ee ay Bayern Munich ku iibsatay Julian Nagelsmann sanadkii 2021.
Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa tababarayaasha ugu qaalisan taariikhda kubada cagta.
- Julian Nagelsmann – £21.7m
RB Leipzig -> Bayern Munich, April 2021:
Bavarians-ka ayaa bixiyay lacag dhan 25 milyan euro si ay u keenaan tababaraha haatan ee Germany oo ka yimid kooxda ay xafiiltamaan ee Bundesliga Leipzig – kaliya isaga ayaa ka tagaya labo sano ka dib markii ay isku dhaceen ciyaartoy.
- Graham Potter – £21.5m
Brighton -> Chelsea, September 2022:
Brighton ayaa lacag soo ka heshay Potter kadib markii ay tababareheeda ka iibisay Stamford Bridge si uu u noqdo badalka ku guulaystihii Champions League ee Thomas Tuchel – kaliya waxa uu qaatay wax ka yar nus xilli ciyaareed ka hor inta aan la caydhin.
- Andre Villas-Boas – £13.3m
Porto -> Chelsea, June 2011:
Tababaraha reer Portugal ayaa yimid Galbeedka London isagoo sumcad weyn ku leh kubada cagta Laakiin waxa lagu badalay Roberto di Matteo oo ku guuleystay koobkoodii ugu horreeyay ee Champions League.
- Brendan Rodgers – £8.8m
- Ruben Amorim – £8.6m
- Jose Mourinho – £6.9m
- Jose Mourinho – £5.2m
- Brendan Rodgers – £5m
- Ronald Koeman – £5m
- Maurizio Sarri – £5m
Be the first to comment