Curacao, oo ah jasiirad ku taalla Caribbean-ka, ayaa taariikh dhigtay iyagoo noqday dalka ugu yar abid ee u soo baxa Koobka Adduunka, kaddib markii ay barbar dhaceen Jamaica. Barbar-dhacani wuxuu ku filnaa inay xaqiijiyaan tigidhkooda North America.
Dalkani wuxuu ka yar yahay Milton Keynes marka la eego tirada dadka, waxayna si cad u muujinayaan awood ka badan tan la filayo, balse ma aha dalka ugu horreeya ee ka faa’iideysta kheyraadkiisa si ka weyn filashada. Curacao waxay la ciyaari doonaan xulalka waaweyn ee England, Brazil Iyo Argentina.
Laakiin dalal badan oo hore ayaa muujiyay in tirada yar ee dadka iyo xulasho xadidan oo ciyaartoy ah aysan caqabad u ahayn inay si weyn ugu tartamaan heer caalami.
Curacao waxay u safri doontaa Koobka Adduunka iyaga oo haysta ciyaartoyo yar haddii ay jiraanba, oo taageerayaashu aqoonsan yihiin. Dib u eeg 2018, Iceland ayaa ku guuleystay inay barbaro ku qabato xulka Argentina iyaga laftoodu waxa ay leeyihiin dad aad u yar laakiin waxa ay muujiyeen in ay tartami karaan.
Halkan kaga dalalka ugu yar ee u soo baxay Koobka Adduunka xagaagan soo socda – qaar ka mid ahna waxaa suuragal ah inay gaaraan wareegyada dambe ee tartanka.
- Curacao – 185,000 oo qof
- Cape Verde – 528,000 oo qof
- Qatar – 3.1 million oo qof
- Uruguay – 3.3 million oo qof
- Croatia – 3.8 million oo qof
- Panama – 4.5 million qof
- New Zealand – 5.2 million qof
- Scotland – 5.5 million qof
- Norway – 5.6 million qof
- Paraguay – 7 million qof
Be the first to comment