Warbaahinta Spain ayaa falanqayn ku samaysay bandhiggii Anthony Gordon kaddib markii uu dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee Barcelona, kulankii ay kooxda reer Catalonia 3-0 kaga adkaatay Getafe horyaalka LaLiga.
Gordon, oo hore ugu ciyaari jiray Newcastle United, ayaa si wanaagsan ku bilaabay waayihiisa Barcelona, isagoo toddobo kulan oo LaLiga ah ku diiwaangeliyey shan caawin iyo hal gool, Warbaahinta Mundo Deportivo ayaa ku tilmaantay Gordon, Gabriel Jesus iyo Karim Adeyemi ciyaartoy aan ahayn xiddigo waaweyn oo ka ifaya, balse ah xalal hal-abuur leh oo kooxda waxtar u leh.
Dhanka kale, warbaahinta kale ayaa si weyn u ammaantay Gordon iyo Gabriel Jesus. Sportstar ayaa Gordon siisay qiimeyn dhan 8.3, halka Jesus la siiyey 8.5. Barca Universal ayaa Gordon siisay 9 dhibcood, Jesus-na 8.5.
Gordon ayaa lagu ammaanay xawaaraha, farsamada kubadda iyo awoodda uu ku jebiyo difaacyada, halka Gabriel Jesus uu ammaan ku mutaystay goolkiisa iyo cadaadiska uu saarayay difaaca Getafe.
Labada ciyaaryahan ayaa sidaas ku sii xoojinaya rajada laga qabo saxiixyada cusub ee Barcelona, iyadoo kooxda Hansi Flick ay guul 3-0 ah ku gaartay Getafe.

