Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala IIbsiga , Nicolas Jackson Waa U Ka Laabtay Munich

Adrien Rabiot waxa uu noqday ciyaaryahan Milan ah, sida laga soo xigtay dhowr warbixinood.

Wariye Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in Rabiot uu Milan ugu biiri doono heshiis afar sano ah.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo, ciyaaryahanka reer France ayaa lagu wadaa inuu tijaabada caafimaadka maro berri ka hor inta uusan saxiixin qandaraaska.

*Wada xaajoodyada u dhexeeya Aston Villa iyo Man United ayaa sii socda ee ku aadan in ay ku kala baxaan hishiska Jadon Sanch .

Sancho waa inuu maanta go’aansadaa mustaqbalkiisa ama ugu dambeyntii u dhaqaaqo koox aan Yurub ahayn.

*Daafaca reer Sweden Victor Lindelof ayaa qarka u saaran inuu dib ugu soo laabto Premier League, wax yar ka dib markii uu ka tagay Manchester United.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News, Aston Villa ayaa heshiis la gaartay Lindelof si xor ah, waxaana la filayaa in ciyaaryahanka uu tijaabada caafimaadka ku maro Villa Park saacadaha soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in Lindelof, oo 30 jir ah, uu Aston Villa u saxiixi doono heshiis labo sano ah, isaga oo haysta dookh uu sanad seddexaad ugu dari karo.

Daafaca reer Sweden ayaa ku biiray Manchester United xagaagii 2017 markaas oo uu kaga soo biiray Benfica, waxaana uu u saftay in ka badan 200 oo kulan Red Devils ka hor inta uusan ka tagin xagaagan dhamaadka qandaraaskiisa.

*Weeraryahanka Chelsea Nicolas Jackson ayaa qarka u saaran inuu dib ugu soo laabto kooxda isagoo haatan 100% ka rajo dhigay ku biiristiisa Bayern Munich, sida laga soo xigtay Florian Plettenberg.

Blues ayaa ogolaatay inay Jackson amaah ku siiso Bayern xilli ciyaareedka 2025/26. Waxay ku bixin lahaayeen 15 milyan oo euro adeegiisa, waxaana heshiiska ku jiray ikhtiyaar lagu iibsan karo ku dhawaad ​​65 milyan euro.

Si kastaba ha ahaatee, Saxiixa cusub ee Chelsea Liam Delap ayaa dhaawac soo gaaray kulankii ay ka badiyeen Fulham taas oo meesha ka saaraysa in uu garoomada ka maqnaado xilli ciyaareedkan. Reer Galbeedka London waxay go’aansadeen inay dib uga noqdaan laacibkooda Jackson.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga