suuqa kala iibsiga ayaa xidhan laakiin kooxaha kala duwan ayaa wali si weyn loola xidhiidhinayaa xiddigaha.
Xiddigo badan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha kuwaas oo doonaya in ay kooxo cusub ku biiraan suuqa January.
Liverpool ayaa rajeyneysa inay lasoo saxiixato xiddiga Real Madrid Aurelien Tchouameni, waxaana ay qorsheynayaan inay wax ka weydiiyaan helitaanka ciyaaryahanka khadka dhexe marka ay Los Blancos booqato Anfield kulanka Champions League ee isbuuca soo socda (Defense Central).
Xiddiga Barcelona Ansu Fati ayaan u dhaqaaqi doonin Fenerbahce bisha January ka dib markii kooxda Jose Mourinho ay u aragtay saxiix xun ka dib dhaawac muruqa ah oo dhawaan soo gaaray (Marca).
Ruben Amorim ayaa aqoonsaday saddex bartilmaameed oo uu rajeynayo inuu keeno Manchester United xiddiga Jarrad Brentford ee u ciyaara Everton, Viktor Gyokeres oo u ciyaara Sporting Lisbon iyo xiddiga amaahda ugu ciyaara Galatasaray ee Victor Osimhen (Fichajes).
Xiddiga da’da yar ee Real Madrid Arda Guler ayaa laga yaabaa inuu u dhaqaaqo Arsenal ka dib markii uu ku dhibtooday inuu waqti ka helo tababare Carlo Ancelotti xilli ciyaareedkan (Fichajes).
Arsenal ayaa diidi doonta William Saliba inuu ka tago kooxda, inkastoo ay xiiseyneyso Real Madrid (Football Insider).
Manchester United ayaa wali la filayaa inay lumiso Christian Eriksen dhamaadka xili ciyaareed kaan, iyadoo aysan jirin wax qorshe ah oo ay heshiis cusub ka saxiixi doonaan. (Fabrizio Romano).
Chelsea ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo goolhayaha Liverpool Caoimhin Kelleher, waxaana laga yaabaa inay u dhaqaaqdo sidii ay u keeni laheyd Stamford Bridge xagaaga soo aadan (The Sun).
Be the first to comment